Portal:Dhul/Maqaal xul ah/4

Ka Wikipedia
Dhulbare
Wadanada uu dhexmaro xariiqda Dhulbadhaha (casaan) iyo wadanada uu dhex maro xariiqda Meridian (buluug)

Dhulbadhe (Af Ingiriis : equator; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano Dhulbare, waa xariiq toosan oo ku soo wareegta goobada meere taasi oo u kala qeybisa labo gobol. Sida caadiga ah, Dhulbadhe waa xariiq khiyaali ah oo dhulka u qeybisa Cidhifka Waqooyi iyo Cidhifka Koonfur. Sidoo kale, xariiqda dhulbadhuhu waxay leedahay dherer dhan 40,075 km; taasi 78.7% ka mid ah dhex marto biyaha badaha iyo 21.3% oo dhul dhex marta. Guud ahaan, dhamaan meerayaasha koonka waxay dhamaantood leeyihiin xariiq dhulbadhe. Dhulbadhe waa xariiq dhexmarta meere kasta taasi oo u qeybisa labo gobol; koonfur iyo waqooyi. Dhulbadha, sidoo kale loo yaqaano Xariiqda Dhexe waxay meeraha dhulka ka dhex martaa qaarada Afrika, Badhtamaha Ameerika, iyo qeybo ka mid ah Aasiya.