Jump to content

Qardhaas

Ka Wikipedia

Buuraha qardhaas Buuraha qardhaas [Af-ingiriis] [Qardas mountains][Af-carabi][جبل قرطاس] Buuraha qardhaas waa buuro ku yaalla Koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaa Degmada diinsoor ee Gobolka bay, buuraha qardhaas waxay degmada diinsoor ka xigaan dhinaca jihooyinka koonfurbari iyo galbeed, weliba dhan koonfur ayay ku yaallaan buuraha ugu waawe yn oo ay ka mid tahay buurta ugu dheer degmada diinsoor oo loo yaqaan Kurus. Buuraha ugu caansan degmada diinsoor https://commons.wikimedia.org/wiki/File:IMG.JP.jpg

Waa maxay sababta loogu bixiyey buuraha Qardhaas?

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Buuraha qardhaas waa buuro aad mooddo in degmada diinsoor lagu soo ooday, dhammaantoodna waa kuwo isku xidhay oo silsilad ah waxay ku soo bilowdaan dhanka galbeed waxay dhacaan ilaa woqooyi bari ee degmada diinsoor. Buuraha ugu waaweyn waxay ku yaallaan marka aad joogtid degmada diinsoor koonfur waana sababta loogu bixiyey Qardhaas, Saddex baa ugu waaweyn buuraha silsiladda ah ee qardhaas waxaana ka mid ah: Buurta Kurus Buurta deggaras Goreygod Buurahan waxyaabaha ay ugu duwan yihiin buuraha kale dalka ku yaalla waxa ka mida; waxa ku daboolan dushooda dhir aad u fara badan oo kala duwan nooc walba oo ka baxada gobollada soomaaliya waxa laga hela buurahan silsiladda ah ee qardhaas waa nimcadda ilaahay ku mannaystay buurahan, sidokale waxyaabaha la yaabka leh waxa ka mid ah ee buurahan ay leeyhiin ma dareemo qofka inuu fuulahayo buuro marka laga reebo buurta kurus, sidokale markaad kor ka arkayso waxay kuula muuqdaan kuwo sidii tuurta geela ama dhaxgaax la isku qabtay oo madow, laakiin markaad u dhowaatid way fidayaan waxaad arkaysaa adoo fikta sare fuula, inaad fuushana waxaad ka dareemaysaa oo keliya waxaad arkaysaa magaaladii aad ku soo tagtay inay kuula muuqato sidii god aad ku soo baxday oo kale.

Masaafo intee le'eg ay u jiraan buuraha silsiladda Qardhaas degmada diinsoor?

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Buuraha qardhaas marka aad magaalada diinsoor joogtid uma muuqdaan wax sidaa u fog laakiin qaarkood qaarka kale way u soo dhowyhiin degmda, markaad eegtid kuwo galbeed ka xiga magaalada waa kuwa lagu sheego inay u dhowyihiin magaalada qiyaas ahaan waxay u jiraan 2Km, markasto aad koonfur ula socoto buuraha way ka sii fogaanayaan magaalada kuwa ugu fog waa buuraha goreygod oo ku yaalla dhinac bari ee degmada diinsoor waxayna u jiraan magaalada ilaa 10km iyo ka badan waxa ku sii xiga buuraha deggaras oo jira qiyaas ahaan 6km u jiraan degmada waxa ku xiga buurta kurus oo u jirta qiyaas ahaan 2.5km ilaa laga soo gaaro buuraha galbeedka kaga yaalla degmada oo ay yihiin kuwa ugu dhow.