Safiina najaa

Ka Wikipedia

Safiina najaa (afka carabiga; سفينة النجاة) waa kitaab ku saabsan fiqiga shaaficiyada, gaar ahaan qeybta cibaadada, waxaa alifay saalim bin sumeyr al xadrami oo ahaa shiiq ree yaman ah

Warbixin ku saabsan qoraaga kitaabka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Saalim bin cabdulaahi al-xadrami wuxuu ku dhashay tuulada dii asbax oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada xadramuut, wuxuu wax ka bartay aabihiis macalim cabdulaahi bin sacad bin sumeyr, quraanka ayuu xifdiyay qirooyinkiisa kala duwan, culuumta sharciga wuxuu ka bartay culumada xadramuut ka buuxeen sida sayid cumar bin saqaaf alsaafi, sayid cumar bin zeyn bin sumeyd, iyo kuwo kale.

Culuumta ayuu fidiyay oo aqriyay xir badan ayaa ku soo hoobatay, waxaa ugu weynaa sayid xabiib cabdulaahi bin daaha al-hadaar iyo faqiih cali bin cumar baaguuza.

Shiiqa shareecada ka sokoow siyaasada qeyb ayuu ku lahaa, suldaan cabdulaahi bin muxsin ayaa ka yeeshay shiiqa la taliye, markuu dhageesan waayay suldaanka taladiisa wuu xanaaqay shiiqa wuxuuna u safray hindiya kadibna jasiirada jaawa, halkaas ayuu joogay ilaa uu ka dhintay 1271H\1855.

wuxuu ka mid ahaa shiiqa dadka wanaagsan, xuska alla ayuu joogteen jiray quraanka aqrintiisana wuu badin jiray, waxaa la dhahaa inuu dhameen jiray quraanka asigoo ku jira dawaafka.

Sharaxyada kitaabka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • kaashifatu sajaa waxaa alifay muxamad nawawi jaawi
  • nasbul mairqaat waxaa alifay shiiq cabdilhaadi daalaati
  • neylu rajaa waxaa alifay aqoonyahanka axmad bin cumar al-shaadiri
  • gaayatul-munaa uu alifay maxamad bin cali bin maxamad baacadiya
  • manaaral-hudaa waxaa alifay maxamad bin axmad caamuu
  • kashufu dujaa waxaa alifay cabdirizaaq bin cabdicaziiz al-xuseyni
  • wasiilatu rajaa uu qoray shiiq xasan bin cumar shiiraazi
  • sulam rajaa waxaa qoray cusmaan maxamad saciid tankal
  • nasiimul xayaat uu qoray shiiq cabdalla bin ciwad bin mubaarak bukeyr

Gayiga soomaalida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

sidoo kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]