Shanleey

Ka Wikipedia

Shan shan ka dhowr.

  1. xidid xan ka dhowr.
  2. xukun xoolo ka dhowr.
  3. xaajo dalab ka dhowr.
  4. xilo xaqdarro ka dhowr.
  5. Xoolo dago la'an ka dhowr.

SHAN AYAA DADKA ISKU KEENA.

  1. DAN.
  2. DERIS
  3. DARIIQ
  4. DIIN
  5. IYO DIIR

Ilaahow shan waad uuntay ee maxaad shan ugu sameyn?

● Geesi waad uuntay ee maxaad biri ugu dhigin?

● Fulay waad uuntay ee maxaad baalal ugu yeelin?

● Deeqsi waad uuntay ee maxaad maalqab ugu dhigin?

● Bakhayl waad uuntay ee maxaad summad ugu dhigin?

● Naag xun baad uuntay ee maxaad koor ugu xirin?

Waxaa jira shan shir:

■ Shir dumar( dhaxalkiisu waa xan iyo xasarad).

■Shir ciyaal(dhaxalkiisu waa dakhar iyo dayac).

■Shir culumo(dhaxalkiisu waa sharci iyo shareeco).

■Shir gumeed(dhaxalkiisu waa gole buq iyo afbuur).

■Gole gobeed(dhaxalkiisu waa go'aan iyo gudoon). Qoraa: (Bare Maxamed Ibrahim Abukar ustaad Moha-deeqsi)