Uniquegodx

Ka Wikipedia
Uniquegodx
Magaca dhalashadaDominic Thomas Junior.
Dhashay (1998-02-14) 14 Febraayo 1998 ( 26jir)
Halifax, Nova Scotia, Kanada
AsalToronto, Ontario, Canada
Nooca fanka
shaqada
  • Instrumentalist
  • rapper
  • singer
  • music executive social activist
Qalabka
  • Vocals
  • piano
  • guitar
  • percussion
  • bass
Sanadaha Shaqada2016–present
Falalka la xiriira
Websiteuniquegodx.com

Dominic Thomas Junior[1][2][3] (wuxuu dhashay Febraayo 14, 1998)[4][1][5] si xirfad leh oo loo yaqaan Uniquegodx waa fanaan Soomaali-Kanadiyaan ah, Rapper iyo heesaa. Waxaa uu ku noolayahay magaalada Toronto, muusiggiisa waxaa lagu xusaa iskudarka muusigga hiddaha iyo noocyada kale ee ka duwan. Wuxuu ku heesaa noocyo kala duwan oo cod ah, oo ay ku jiraan pop, r & b iyo elektaroonik dance.[4][1]

Personal life[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Uniquegodx uxuu ku dhashay Halifax, Nova Scotia.[6][7] Wuxuu ku koray Broward County, Florida isaga iyo adeerkiis halkaas oo uu ku bilabay in uu samayo muusikada. Uniquegodx waxay ku dhexjirtay farshaxanimada da'da hore. Wuxuu bilaabay heesaha markii uu ahaa 6 sano jir, isagoo la soo qaatay muusig iskuulka dhexdiisa ah iyo sidoo kale goobta koonfurta Florida hip hop/Rap ka.[7] Uniquegodx wuxuu markii dambe ku soo noqday Somalia si uu u fahmo ugana xoojiyo xiriirkiisa dhaqanka hooyadeed. Wuxuu ku sifeeyay waqtigiisii halkaas inuu yahay mid saameyn leh, isaga oo u oggolaaday inuu barbaariyo Artist-nimadiisa.[8] Daraasadiisii dugsiga sare kadib, Uniquegodx wuxuu dhigtey Jaamacadda University of San Diego. Wuxuu ku bartay barashada cilmiga fiisigiska(AMO).[7]

Career[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Uniquegodx wuxuu raacay waddo si xirfadeed ka madaxbanaan shirkada muusikada. Markii hore wuxuu la kaashaday oo muusik lasameyay fanaaniin kale, Si kastaba ha noqotee, waa uu tirtiray dhammaan mashruucii la sii daayay si uu isku soo cusbooneysiiyo ''Uniquegodx'' oo uu si gaar ah diiradda isku saaro.[6][9]

Ka sokow kanaaladaha caadiga ah ee suuqgeynta Muusigga, Uniquegodx waxa u adeegsatay warbaahinta bulshada si aalad muhiim u ah suuq geyntiisa. Oo uu Ku siidayay heesayaashiisa meelaha ay ka midka yihiin YouTube, soundcloud, Facebook Iyo shabakadaha kale ee bulshada, taas oo ka caawisay inuu dhiso taageero Wayn. Xilliga Gu'ga 2018 wuxuu sii daayay albumkiisii ​​ugu horreeyay ee EDM ahaa, oo cinwaankiisu yahay entitled Skrillxx is god: skies and melodies, [10][11]kass oo isku duub ah 8 heesood. Kaas oo soo bandhigay muunado laga soo qaaday fiidiyowyo internet caan ah iyo kaliibyo ah fannaanki dhintay Jahseh Dwayne Ricardo Onfroy XXXTentacion.

Miyuusigga Uniquegodx's waa kala duwan yahay, oo u waxa uu dhexeeya pop, ilaa alternative rock, ilaa R&B ilaa Emo rap. Kala duwanaanshaha muusikada wuxuu ka yimid dhadhankiisa miyuusigga iyo dadka uu ka racay saameyntiisa oo ay kujiran Kurt Cobain, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay dhiirigelintiisii ​​ugu weyneyd, The Weeknd, Tupac Shakur, Cage the Elephant, The Fray, Papa Roach, Blue Hearts, Skrillex, Three Days Grace, Gorillaz, iyo Coldplay. [12]Mar uu ka hadlayey dadkii saameyn ku yeeshay, Uniquegodx wuxuu yidhi, "Runtii waxaan dhageysta nooc iyo genre walba, waxaan dhageystaa wax walba, maba joojiyo".[13] [8]Qaabka codadka ee 'Uniquegodx' waxaa lagu sharaxay si habsami leh, oo ay ku muujinayaan "nuglaansanaan xagga shucuureed" qaar ka mid ah na raad-raacyada metal musig oo ay ku bandhigaan qaylada iyo muujinta codka wayn.[13] Ereyadiisa waxaa lagu sifeeyay kuwo is le'eg, oo diiradda lagu saarayo arrimo dan u ah isaga iyo bulshada Soomaaliyeed. In kasta oo inta badan fanaaniinta Soomaaliyeed ay ku heesaan afka Soomaaliga si ugaraan dhagaystayaasha Soomaaliga,[7] Uniquegodx waxay dooratay in uu ku sii deeyo heesaha Afka Ingiriisiga iyo Afka Soomaaliga si uu ugaaro dhagaystayaal ballaaran oo caalami ah...[7]

Single by Uniquegodx waxaa ka mid ah "Addicted to love",[14] "Sun of serpent" iyo "Falling".[7].[8]

Saamaynta muusikada dadka samaynta ugu weyn ku leh Uniquegodx waxaa ka mid ah Kurt Cobain.[6] Waxa kale oo uu u bogaadiyaa heesaha No Rome.[7]

Discography[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Albums

Uniquegodx waxa uu soo saray in kudhaw 2 album, wxaana ka mid ah:

Singles



  1. 1.0 1.1 https://en.everybodywiki.com/Uniquegodx
  2. https://music.fandom.com/wiki/Uniquegodx
  3. https://everipedia.org/wiki/lang_en/uniquegodx[dead link]
  4. 4.0 4.1 https://www.celebritiesfrom.com/uniquegodx.html
  5. https://www.wikidata.org/wiki/Q59137747
  6. 6.0 6.1 6.2 . live Journal https://leejefferson.livejournal.com/497.html. Soo qaatay 1 December 2018.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. 7.0 7.1 7.2 7.3 7.4 7.5 7.6 Dominic, Thomas (16 October 2018). https://web.archive.org/web/20140129080318/http://digitaljournal.com/article/318115. Waxaa laga kaydiyay the original 29 January 2018. Soo qaatay 17 November 2018.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. 8.0 8.1 8.2 {{cite web|title=Get to know Uniquegodx. And What Makes Him An Artist And How He Views The World. |url=https://medium.com/@scumgang8/get-to-know-uniquegodx-and-what-makes-him-an-artist-and-how-he-views-the-world-645201085d0d%7Cpublisher=Medium[dead link] |accessdate=1 December 2018 |deadurl=No |
  9. https://medium.com/@scumgang8/get-to-know-uniquegodx-and-what-makes-him-an-artist-and-how-he-views-the-world-645201085d0d
  10. https://open.spotify.com/album/6gjoYhcIYgO9vNsH7CpWU4
  11. https://www.discogs.com/artist/7694337-Uniquegodx
  12. https://www.wikidata.org/wiki/Q59137747
  13. 13.0 13.1 </nowiki>. Medium https://medium.com/@scumgang8/get-to-know-uniquegodx-and-what-makes-him-an-artist-and-how-he-views-the-world-645201085d0d/. Soo qaatay 1 December 2018.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  14. https://www.discogs.com/artist/7694337-Uniquegodx