Jump to content

User:Cali Garaad Cabdalle Garaad Faarax/Bacaadka

Ka Wikipedia
Article; Beesha Cali Garaad (reer Daraawiish)
Reer Darawiish (Siciid Harti) waa Beel kamid ah Beelaha Daarood, waxa ay dagaan Gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Gobolka doollo.

Beesha Cali Garaad (Reer Darawiish)[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cali Garaad Cabdalle Garaad Faarax Garaad Shirshoore, waa Beel ka mid ah Beelwaynta Reer Darawiish.

Beesha Cali Garaad waxa ay Degaan Degmooyin farabadan oo u badan xagga Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo qaybo ka mid ah Gobolka Cayn, Buuhoodle.

Cali Garaad waa Beel kamid ah Beelaha Faarax Garaad. Faarax Garaad oo ah 6 beelood oo walaalo ah.

  1. Cali Garaad
  2. Ararsame
  3. Bah Ali Gheri
  4. Guuleed Garaad (Barkad).
  5. Maxamed Garaad (Baharsame).
  6. Garaad Yaasiin.

Taariikh Beesha Cali Garaad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beesha Cali Garaad waxa ay ahaayeen Qabiil degi jiray qarnigii laso dhafay Balliyo ilaa 50km u jira Magalada Buuhoodle, Balliyadaas oo Hadda looyaqaano "Balliyo Cali Garaad".

Maxaad Ka Taqaanaa Taariiikhda《Balliyo Cali Garaad》?.[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Balliyo Cali Garaad waa Balliyo ku yaala Gobolka Cayn, BUUHOODLE.

Taariikhda Baliyadaas iyo suu Magacu ugu baxay .

Balliyo Cali Garaad magacasu wuxa uu baxay bilawgii qarnigii aanu soo dhaafnay, Waqtigaas oo Deegaanka ka arrimin jireen Halgamayaashii Daraawiisheed.

Beesha Cali Garaad waxa ay ahaayeen Qabiil degi jiray qarnigii laso dhafay Balliyo ilaa 50km u jira Magalada Buuhoodle, Balliyadaas oo Hadda looyaqaano "Balliyo Cali Garaad".

Magacaasu Sidee Buu Ku Baxay ?

>Beesha Cali Garaad waqtigaas waxa ay ahaan jireen beel Bulshada Deegaanka ku dhaqani xurmad iyo qaddarin u hayso, waqtigaas waxaa gayiga Soomaalida soo martay abaar saamaysay Dad iyo Duunyaba, Dadkii Deegaanka waxa uu nin kastaa sahmiyay meel uu abaarta kaga baxo oo reeraha loo raro, Balliyo Cali Garaad oo waqtigaas Alle ugu deeqay raxmaadkiisa oo ahaa Balliyada biyo iyo baadba fadhiyaan, Bulshadii deegaanku waxa ay ka soo ag dhawaadeen balliyadaas.

Hase ahaatee Waqtigaas Balliyada waxaa ku sugnaa Ragii Beesha Cali Garaad oo balliyadu U oodnaayeen, Ragaas halkaas ku sugnaa oo Dad iyo Xoolaba u diiday inay Balliga ka cabaan, Bulshadii Degaanka awood bay u sheegteen, waqtigaas ma jirin awood ay Bulshada deegaanku kaga hortagto Raggaas Caligarad ee Balliga ootay.

Waxaa waqtigaas gayiga joogay Daraawiish, Dadkii ka ag dhawaa ceelka ayaa fariin Gurmad ah u diray Daraawiish, maalmo ka dib Balliyadaas waxaa soo gaadhay ciidankii daraawiisheed oo halkaas dagaal ku dhexmaray Raggii Beesha iyo Daraawiish, hase ahaatee raggii ku sugnaa goobta ee Cali Garaad waa lalaayay oo xoolo iyo duunyo waxay lahaayeen Daraawiish ayay gacantooda gashay .

Magacu Markaas Ayuu Baxay oo Balliyadaas loo bixiyay《Balliyo Cali Garaad》.

FG; Waqtigaas Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ahaayen Bulsho Jahligu saameeyay, Raggas balliga ootay waxaa la odhan karaa waa rag jahli u geeyay falkaas.

Beesha Cali Garaad inta Jiffo ay ukala baxso:[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beesha Cali Garaad waxa ay u kala baxaa 4 raas ama jifo, Waxa ayna kala yihiin.

  • Reer Cali Dalab.
  • Reer Khayr.
  • Reer Kooshin.
  • Reer Cilmi.