Abwaan

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Abwaan waxaa lagu magacaabaa Qofka qora ama maskaxdiisa ka keena Gabayada ama suugaanta.Abwaanka waxoo khatar ku yahay soo alifida gabayada, oo waxyaabo badan ka tarjumo.sidoo kale anbwaanku waxa uu qoraa buugta gabayada iyo buugta caadiga ah ee sheekooyinka Dhaqanka. Qeexiddaasi waa tan ugu caansan ee dadka badidood u yaqaannaan ereyga ábwaan' balse sida saxda ah waxa weeyey in abwaan uu yahay qofka KU XEEL DHEER dhaqan, hiddaha iyo taariikhda reerkiisa ama dadkiisa. Sidaa daarteed qasab ma ahan in abwaanka uu leeyaha hibo hal-abuurnimo. Abwaan ayaa jiri karo aan gabay iyo maanso midna tirin aqoon. Had iyo jeer abwaanka waa qof da' weyn oo muddo noolaa. Laakiin gabayaaga, oo maansayahanna la dhaho da' shardi uma aha oo waxaa la arkaa gabayaa iska da' yar. Sidaa darteed qaamuuska afsoomaaliga ee 1976 dii la qoray macnaha labaad ee ereyga abwaan waxaa loo qaatay buugaagtal agu keydiyo kasmooyinka kala kaanka ah oo afka qalaad lagu dhaho encyclopedia.