Atom

Ka Wikipedia

Atamku waa wax yer oo ilmaqabata ah, waana qayb ka tirsan Maatarka waxaan ognahay in uu yahay maatarka wixii cufleh culaysnaleh meelmadhana buuxin kara.

Qaabka Atam Helium oo ay ku jiraan 2 Borotoon Cascas (Guduud), 2 Niyutaroon oo Doog ah (Cagaar) iyo 2 Elektaroon oo huruud ah (Jaallo)

Atamka waa walxaha ugu yar kimikada waxa ay ka timid Atamos Gariiga oo macnaheedu yahay ma qaybsanto.

Atam kastaa waxa uu koobanyahay, Borotoono (+) Togane ah , Niyutaroono (0) iyo Elektaroon (-) Tabane ah, marka laga reebo maatarka loo yaqaan Hydrogen, taas oo aan lahayn Niyutaroono.

Niyutaroonka iyo Borotoonka waxay ku yaalaan Bu'da atomka, waxaana la ogaaday in xoog wayni ku hayo, xoogaas oo aan ahayn xoog danab maxaa yeelay waxay leeyihiin danab isku cayn ah kaas oo ah Togane, mida kale xoogaasi ma'aha mid cuf-isjiidad maxaa yeelay xoog cuf-isjiidadku aad ayuu u yaraan lahaa, markaa xoogaasi waa mid u gaara Borotoonka iyo Niyutaroonka waxaana loo bixiyay xoog isku-dabar bu'eed.


Fogaanta ay isku jiraan laba Borotoon hadii ay ka bataan dhexroorkoodu inta uu dhanyahay waxaa abuurmaya xoog danab kaladid.

Haddaba cufka Elektaroonka negi waa 9,1093826 × 10−31 kg

Kan Borotoonkuna waa 1,6 × 10−19

Kan Niyutaroonkuna waa 1,674 927 29 × 10−27 kg

Borotoonku waxa uu ka culusyahay Elektaroonka 1827jeer. Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go'an oo ku wareegsan bu'da atommka. Atammka danabkiisu waa eber(0), waayo inta elektaroon iyo inta borotoon ee ku jirtaa way isleegyihiin

Walxaha Sumadda Cabayn Cufnaan Faallo
Elektaroono e- -1,6 × 10−19 C 9,1093826 × 10−31 kg (0,51099 891 MeV/C²) Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go'an oo ku wareegsan bu'da atommka. Atammka danabkiisu waa eber(0)
Borotoono p+ 1,6 × 10−19 C 1,6726231 × 10−27 kg (9,3828 × 102 MeV/C²) Borotoonku waxa uu ka culusyahay Elektaroonka 1827jeer
Niyutaroono n 0 C 1,674 927 29 × 10−27 kg (9,39565 × 102 MeV/C²) Niyutaroonka (0).