Axmed Kismaayo

Ka Wikipedia
Axmed Kismaayo
Magaca SaxdaAxmed Maxamed Cali
Ku dhashay1966
Kismaayo
Dhimasho9 agoosto 2017
india
DhalshoSoomaali
WaxbarashadaJaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
ShaqadaMadaxa Puntland TV iyo Radio
Sanadaha Shaqada2013 - 2014

Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) (1966 - 2017) waxa uu ahaa saxafi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay laanta afka soomaaliga ee BBCorporation intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2012, ka dibna waxaa loo magacaabay agaasimaha Puntland Tv iyo Radio markii la aasaasay Sanaddii 2013, xilkana wuxuu hayay ilaa 2014. Wuxuu ku dhintay magaalada Hyderabad ee dalka India sanadkii 2017-kii.[1][2][3][4]

Noloshiisii hore[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Axmed Kismaayo waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo sanadku markuu ahaa 1964, waxbarashadiisa aas aasiga iyo sarena waxa uu ku dhameystay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uu shahaadada Heerka koowaad ee jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkii 1990, waxa uuna si fiican ugu hadli jiray luuqadaha Carabi, Soomaali iyo Ingiriisiga[5][6]

Noloshiisa xirfadeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kadib markii uu shahaadadii saxaafadda ka qaatay Machadka Tababarka Saxaafadda ee wasaaraddii warfaafinta Soomaaliya, Waxaa uu shaqadii ugu horeysay ka billaabay idaacada muqdisho sanadkii 1987, halkaas oo uu ka shaqaynanay ilaa iyo burburkii xukuumaddii Siyaad Bare.

Axmed waxaa uu ka mid ahaa boqol qof oo u qaxay magaalada Kismaayo, ka dibna markab ayuu u raacay magaalada mambaasa ee dalka keenya oo uu halkaas ku noolaa muddo afar sanno ku dhow, Dabayaaqadii 1994 ayuu Axmed ku soo laabtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Garoowe oo uu ku noolaa wixii xilligaas ka dambeeyey. Diseember 1994 ilaa 2001,Axmed-Kismaayo waxaa uu ahaa tifatiraha wargeyska Riyaaq oo ka soo bixi jirey Puntland, kaasoo ahaa wargeys caan ka noqday Puntland iyo meelo ka baxsan. Axmed waxaa uu wargeyska ku lagaa maqaalo taxane ah oo aan ka xasuusto, “danaha shisheeye iyo damiir la’aanta Soomaalida”, “Ilo-Garo Bidcada” iyo gorfeyn kale oo tiro badan. Sidoo kale Axmed waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii wargeysa Riyaaq, oo ay ka mid ahaayeen, Muddane Saciid Xuseen Ciid, C/raxmaan Shiikhdoon, Maxamed Maxamuud(Gambool), Saciid Wayeel(Alaha u naxariisto) iyo rag kale.[2] Muddo 12 sanno ayuu Axmed ahaa weriyaha idaacada BBC-da ee deegaanada Puntland(2002-2013)[1]. May 2013, ayaa Axmed Kismaayo loo magacaabay agaasimaha Puntland Tv iyo Radio oo ahaa xilligaas ahaa agaasin madax bannan[7]. Agoosto 4-tii, 2014 ayaa Axmed Kismaayo xillkaas laga qaaday.[8]

25-kii Abriil 2016 ayaa Axmed Kismaayo loo doortay guddoomiya guddiga doorashooyinka madaxa bannan ee Puntland, hase yeeshee waxaa uu xilkaas iska casilay Nofeember 2016, arrimo la xiriiray caafimaadkiisa darteed.[9]

1995-1997, Axmed waxaa uu macalin ka ahaa dugsiga dhexe ee Al-waxah, oo ka mid ah dugsiyada ugu waaweyn Puntland. Waxaa kale oo uu Axmed masaajidyada ku akhrin jiray kutubta diiniga ah qaarkood, maadaama uu Axmed ka mid ahaa, dadkii wax ku bartay baraaruga dacwada.[6]

Qoraaladiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Geeridiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

9-Kii Agoosto 2017, ayuu Axmed ku geeriyooday hoteel ku yaala magaalada Haydarabad ee dalka Hindiya oo uu muddo labo todobaad ah u joogay in qaliin looga sameeyo cunaha oo uu kaga dhacay cudurka kansarka.[13][14][15][16][17][18][19][20]

Eeg[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xiriirinta dibadda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. 1.0 1.1 https://www.bbc.com/somali/war-40877048
  2. 2.0 2.1 https://puntlandmirror.net/journalist-ahmed-kismayo-dies-india/
  3. https://www.hiiraan.com/news/2017/aug/wararka_maanta9-142304.htm
  4. 4.0 4.1 https://www.garoweonline.com/en/news/puntland/somalia-former-bbc-journalist-ahmed-kismayo-dies-in-india
  5. https://www.garoweonline.com/en/news/puntland/masuuliyiin-iyo-wariyaal-ka-tacsiyeeyay-geerida-axmed-kismaayo-daawo
  6. 6.0 6.1 https://www.idilnews.com/2017/08/10/video-daawo-taariikh-nololeedkii-axmed-kismaayo-iyo-masuuliyiiin-fara-badan-oo-tacsi-ka-dirtay-geeridiisa/
  7. https://halgan.net/2013/05/axmed-kismaayo-oo-loo-magacaabay-agaasimaha-idaacada-iyo-tv-puntland/
  8. https://allafrica.com/stories/201408130471.html
  9. https://www.radiodalsan.com/wariye-axmed-kismaayo-oo-saakay-geeriyooday/
  10. http://www.moepuntland.com/soo-bandhigii-buugaagta-ee-lagu-qabtay-wasaarada-waxbarashada-puntland/
  11. Axmed Maxamed Cali (2017). (Daabacaada koowaad. ed.). Somalia: publisher not identified https://catalog.princeton.edu/catalog/SCSB-8885608.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  12. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2023-10-03. Soo qaatay 2023-10-03.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  13. https://www.garoweonline.com/en/news/puntland/wariye-axmed-kismaayo-oo-geeriyooday
  14. https://mogtimes.com/articles/13727/War-Deg-Deg-Wariye-Axmed-Maxamed-Cali-Kismaayo-oo-Geeriyooday
  15. https://mogtimes.com/articles/13727/War-Deg-Deg-Wariye-Axmed-Maxamed-Cali-Kismaayo-oo-Geeriyooday
  16. https://goobjoog.com/2017/08/09/wariye-axmed-kismaayo-oo-geeriyoodey/
  17. https://www.radiodalsan.com/wariye-axmed-kismaayo-oo-saakay-geeriyooday/
  18. https://goobjoog.com/2017/08/09/wariye-axmed-kismaayo-oo-geeriyoodey/
  19. https://www.qaranimo.com/2017/08/09/wariye-axmed-kismaayo-oo-ku-geeriyooday-india/
  20. https://puntlandpost.net/2017/08/09/madaxweynaha-puntland-oo-ka-tacsiyeeyey-geerida-marxuum-axmed-maxamed-cali-axmed-kismaayo/