Khudaar

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
salad buuxda oo noocyo badan oo khudaar ah ku jiraan.

Khudaar' (Af-Carabi: خضار Af-Taliyaani: verdura Af-Ingiriis: vegetable) waa midho ka baxa dhirta kuwaas oo lagu darsado cuntada.

Khudaartu way ka duwan tahay midhaha, sababtoo ah midhuhu waa cunto bisil oo in la kariyo u baahnayn, laakiin inta u badan khudaarta waa in la kariyo ka hor intaan la cunin.

Khudaarta maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.

Midhaha firileeyda ah ee yaryar, sida bariiska iyo qamadiga lama odhan karo waa khudaar, sababtoo ah waxaa loo yaqaanaa firileey.