Kulmiye

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
calanka kulmiye

kulmiye waa mid kamida xisbiyada siyaasadeedee somaliland

Taariikhda xisbiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

kulmiye Waa xisbi siyaasi waddani ah oo la asaasay bishii May ee sannadkii 2002. Ujeeddadiisuna tahay sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd himilooyinkeeda ay ka midka yihiin inay ka mid noqoto dunida xorta ah ee dimoqraadiga ah. Xisbiga KULMIYE bishii Diisambar ee 2002 ayuu ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii degaamda Jamhuuriyadda Somaliland taasoo uu kaga mid noqday saddexda xisbi ee qaran ee sharciga ah. Ujeedooyinka ururkani Waa qaar si dhab ah uga turjumaya himilooyinka dadweynaha reer Somaalilaand higsanayo (aspirations of the people of Somaliland), kuwaas oo salka ku haya taariikhda halgamadii dheeraa ee loo soo maray xornimada dalka, hadday tahay tii isticmaarka la iskaga xoreeyey, iyo hadday tahay halgankii qadhaadhaa ee lala galay taliskii Maxamed Siyaad Barre, halgankaas oo midhihiisu yihiin xasilloonida iyo degenaashaha aynu maanta hadhsanayno iyo ictiraafka iyo horumarka aynu ku taamayno marka la barbar dhigo qalalaasaha ka taagan wixii Soomaaliya la isku odhan jiray inteeda kale.

Ka sokow dedaalka madaxda iyo xubnaha xisbigu u galeen dhismahiisa, waxa aan la iloobi karin taageerada balaadhan ee dhinacwalba leh ee xisbigu ka helay shacbiweynaha Somaliland taas oo xisbiga KULMIYE muddo gaaban u suurto gelisay inuu gaadho guulo waawayn isuna keeno waxgaradka iyo maskaxda reer Somaliland ee dhamaantood isku aragtida ka ah baahida loo qabo dimoqraadiyad iyo horumar in dalkan la gaadhsiiyo. Xisbiga KULMIYE si u taaba geliyo hanka shacbiga reer Somaliland waxa lagama maarmaan ah inuu helo taageradooda oo aan kala go’ lahayn gaar ahaan wakhtigan xasaasiga ah oo dalku marayo marxalad aad u adag oo aanuu ku sii soconkarin nidaamka ay maanta u xisbiga kulmiye wuxuu ku guulaystey inuu qabto hogaanka dalka sandkii 2010 kii isagoo helay 50% codki la dhiibtay yadoo uu hogaanka qabtay mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo


[1]