Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) 1976 - 1991 waa xisbigii talada wadanka Soomaaliya hayay mudadii ugu dheerayd oo taxane ahayd 21 sano.

XHKS waxaa uu ka koobnaa Gollaha Sare ee Kacaanka, Gollaha Dhexe iyo Ururada Bulshada oo laga dooran jiray dhamaan 18 gobolka ee Soomaaliya.

Taariikhdii XHKS[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

XHKS dadka qaar waxay faaladooda ku qoraan in wixii ka dambeeyay qaxii caasimada Muqdisho laga qaxay horaantii sanadkii 1991 inuu dhowr jeer xuubsiibtay isaga xiligaas ka horna soo maray magacyo kale sida Xisbiga Midowga Mareexaan ama Marehan Union iyada oo xaqiiqdii XHKS ay ku jireen dad ka soo jeeda dhamaan xubnaha ama qabaa'ilada Soomaaliyeed.

Xisbyada kale ee mideeyay ummada waxaa ka mid ahaa xisbigii SYL oo doorashaddii labaad ee madaxwaynimo ee wadanka Soomaaliya sanadkii 1967 uu lahaa musharax ka soo jeeda gobol walba iyo degma walba oo wadanka Soomaaliya ku taal.


Taliskii XHKS[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

XHKS markii uu talada wadanka la wareegay sanadkii 1969, waxaa isla markiiba la dhisay golle ka kooban hal xisbi. Sidaas ayuuna ku soo ifbaxay XHKS. Dhamaan madaxdii wadanka, 1974 markii la bedelay dastuurka qaranka ilaa burburkii 1991, waxay ka tirsanaayeen oo ahaayeen xubno XHKS.

Doorashooyinkii 1960 iyo 1967 waxaa kuraastii oo dhan kala qaatay dhowr xisbi oo kala ahaa SYL, Hisbiya D. M. (mucaarad ku ahaa in xoriyad la helo-garabsar Talyaaniga), Marehan Union, SNL iyo USC labo garab oo qabiilada waaweyn ee waqooyiga ku salaysan.


Internal links[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]