Sooraan ismaaciil sugule

Ka Wikipedia

sooraan ismaaciil sugule waxa uu ahaa abwaan , jilaa qof muhiim u ah bulshada, riwayadihiisu waxa ay ahayeen kuwa loogu daawashada badanyahay isaga iyo jilaa Ciise Cabdi Ismaaciil jawaan , riwayadaha sooraan ayaa ahaa kuwo murti ku dhisan oo ka hadli jiray xaqiiq ama dhacdo jirta.


sooraan ismaciil sugule
Magaca Saxdasooraan ismaciil sugule
Ku dhashay1968
kiridh, Somaliland
Dhimasho2021
burco ,somaliland
DhalshoSomali
Shaqadaabwaan jilaa
Ilmaha3

tariikh nololeedkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) ayaa waraysi hore oo laga qaaday ku sheegay in fanka uu ku soo biiray sanadkii 1979-kii, isagoo ku biiray kooxdii fanka ee Durdur. Waxa uu sheegay in markii hore uu kooxdaas ka ahaa jilaa, balse uu muddo kadib noqday mu’alif. “Saarka reer waqooyiga ayaa ku billaabay, habeenkii koowaad markii Shimaali loo dhiibay ee la tumay ayaa waxa uu igu yidhi mid kalena isku day. Mooraalkaa ii dhismay oo waxaan ogaaday in aan mu’alif noqon karo,” ayuu waraysigaas ku sheegay marxuum Sooraan. Sooraan ayaa sheegay in fankii uu xilligaa ku jiray uu markii dambe la burburay Dawladnimadii Soomaaliya, oo ay kooxihii caanka ahaa kala daateen.

riwayadihiisi[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sooraan waxa uu xoogga saari jiray jilidda ruwaayadaha taabanaya wecyiga markaa taagan.

Ruwaayadaha caan baxay ee uu sameeyay abwaan Sooraan waxaa kamid ah: Illaahay ummaddii u ammaan geli – oo uu kaga hadlayay cawaaqibka ka dhalan kara dhibaatada loo geysto xayawaanka, ruwaayaddii jinka iyo mid uu uga hadlay xisbiyada Somaliland ee doorashadii golayaasha deegaanka ee dhacday 2012.


Sidoo kale, waxa uu farriintiisa ku gudbin jiray muuqaallo qosol badan, sidan kan “markii dhaweyd maxaad I lahayd?” oo uu ku cabbirayay dhibaatada ay tiknoolajiyadda ku hayso dadka gaar ahaan da’ yarta. “Aaladda internet-ka dhawaan ayay inagu soo korodhay, mushkilado badan ayay nagu soo kordhisay oo tusaale ahaan inanta iskuulka la doonayo in ay berri qabato habeenkii oo dhan qolka ayay ku jirtaa oo maxaad i lahayd ayay leedahay,” ayuu yidhi Sooraan oo ay BBC-du xillii hore ka waraysatay muuqaalkaas kooban.

Saaxiibkii Jawaan

Ciise Cabdi Ismaaciil (Jawaan) ayaa ahaa saaxiib ay si weyn u wada shaqeeyeen Sooraan, iyagoo ay is barteen sannadii 2003. Waxa ay wada jileen ruwaayado badan, iyagoo xitaa safarro u aadday dibedda. “Sooraan wuxuu ahaa nin aad iyo aad u dabeecad fiican, nin dadnimo leh, nin masaakiinta caawiya, nin saaxiibu salaad ah, nin is-qabqabsiga iyo muranka neceb, wuxuu ahaa nin calool xaadhan oo aan dadka caloosha wax ugu qaadin, wuxuu ahaa nin nadiif ah,” ayuu yidhi Jawaan oo ka warramaya aqoontii uu u lahaa saaxiibkii Sooraan.

dhimashadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Allaha u naxariistee sooraan ayaa ku geeriyooday isbitaalka weyn ee burco cudurka safmarka ahaa ee karoona , Tacsida ay direen Madaxda Soomaalida ayaa Ehelkiisa iyo Shacabka guud ahaan ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Sooraan Ismaaciil Sugule, iyagoo ku sifeeyay inuu ahaa Abwaan iyo Majaajilayste weyn.

tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

https://www.bbc.com/somali/war-57261590

https://www.voasomali.com/a/5906209.html