Burco

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Burao
Burco
برعو
—  Magaalo  —
Suuq yer.
Burao is located in Somalia
Burao
Waxay soomaaliya kaga taal ama.
Dhacdaa: 9°31′27″N, 45°32′13″E
Dalka  Somalia


Gobol Togdheer
Degmo Burco
Xukunka
 • Duqa Mohamed Muraad
Joogga 1,037 m (3,402 ft)
Tirada dadka
 • Guud ahaan 740.200
Saacad EAT (UTC+3)

Burco waa magaalo ku taala Gobolka Togdheer ee koonfurta Somaliland. waana caasimada labaad ee somaliland. Burco Waa magalada uGu wayn togdheer, sidoo kale waa magaalo madaxda Gobolka Togdheer. Magaaladaan waa magaalo qadiim ah, waxayna caan ku ahayd dhanka Sport-ga.

= Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

burco waxa qiyaastii ay aasaa santay bilawgii qarnigii 19 magaceedii hore wuxuu ahaa ceelgooni magaca burco waxa loo bixiyay 1910, waana magaalo siman oo aan buuro lahayn waxana ay ku taala meel istaraatiiji ah oo ah badhtamaha somaliland, waa magalo bilic wacan waxana leedahay laamiyo waafi ah oo quruxbadan.

warshadaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Burco waxaa ku yaala warshado badan waxaa kamida 1 (warshada taydha indhadeero) 2 (warshada saabunta ) 3 (warshda biyaha maaxda togdheer)4(warshada xareeda) 5 (warshada biyaha saxsaxo) 6 ( warshada marmarka guryaha ) 6(warshada furshanta ) 7(warshada cabitaanka coco hapy iwm samaysa ) 8 warshada hargaha) 9 (warshada adhiga jaqiiqa yaryar) 10 (warshadaha biriishyada iyo dhismaha wadanka ) burco waxaa kuyaala tog aad u qurux badan toga waxaa laga sameeyey laba briish suuq bari iyo suuq galbeed burco waa magaalo ku xeel dheer Siyaasadda hadaytahay tii somalia iyo haday somliland tahay ba dadka reer burco waa dad aad iyo aad ufurfuran bulshda lasoo daristana sifiican ula dhaqma magaalada burco waxaa kuyaala xaafado bad oo aan la tirin karin waxa ka mid ah xaafadahaa maxadka,oktoobar,hodanqaylo,tuurta,jarmalka,garbada,dubayda,dhuurta,afgooye, kiiniyada, lafoolayda, maxamed cali saylada, barsiigo,iyo in kale oo badan iwm. burco waa magaalada dalxiiska somaliland qof waloo somali ah uu usoo dalxiis tagaa.

Beelaha daga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

markaynu ka hadlayno beelaha ama qabaailka daga somaliland burco waxaa si gaar ah u daga 5 beelood waxay kala yihiin habar yooniis iyo habar jeclo oo ah labada beelood ee ugu badan hase yeeshee waxa kaloo dega habarawal. arab.gaadsan iyo qabiilooyinka lahaybsooco. dhamaan beelahaasi waxay si guud uga wada shaqeeyaan danta magaalada.

Muuqaalka guud[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

ubax
jaamacada burco

Muuqaalka guud dee adba waad iska garaysaa


Muuqaalka guud ee magaalada Burco waa mid aad u wanaagsan wakhtigan xaadirka ah, marka loo eego xiliyadii hore ee ay Burco soo martay. Guud ahaan magaalada waxa ka socda dhismayaal kala duwan, waana magaalo koriinkeedu socdo oo ay marba marka ka dambaysa wax ku kordhayaan….

File:Lamiga burco.jpg
sawirka burco

Burco waa caasimada koobaad ee Somaliland lakin lagama dhigin waa magaaladii lagaga dhawaaqay gooni isutaagii.waxyaabo badan baa jira oo ay xukuumada somaliland ilaa haatan u qaban gobolkan togdheer hasa yeeshee himiladii inta badan ay sugayeen iyaga iyo waliba dhamaan shacabka somaliland oo ahayd lacagtii giinbaarta ahayd oo laga badalay maalmihii u dabaal daga ama sanad guuradii 20aad ee ka soo wareegta xornimadii qarankan somaliland lacagtaasoo dhibaato weyn ku haysay qaranimada somaliland haday noqoto dhaqaale iyo haday noqotaba qaranimo laakiinse hawsheedii waa dhamaatay. Dadka reer Burco waa dad aad u aaminsan Qadiyada Somaliland, waa dad ku adag diinta islaamka waxaana ka muuqata astaamaha diinta islaamka marka aad eegto labisaada iyo dhaqankooda oo ah kii hore kamana taabo galin dhaqanka reer galbeedka ee dharka dhajiska ah la xidho, Muuqaalka magaalada aad ka qaadanaysaa waa mid aad u sareeya marka loo eego baryihii hore oo la odhan jiray dadka reer Burco waxay sitaan budh iyo Toori, Haatan wax budh iyo Toori ah inaad aragtaa way kugu yaraanaysaa waxaad moodaa in ay arimahaas horumar weyn ka sameeyey haatana uu amaanku aad u adagyahay waana magaalo amaankeeda la isku lahayn karo waqti xaadirkan. Bal hadaba aad eego Burco iyo Xaaladaheeda nololeed bulsheed, siyaasadeed, waxbarashada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, dhalinyarada Nolosha Iyo dadweynaha:- Burco marka aad eegto nolosha iyo dadka ku nool waxaan odhan karnaa waa magaalo dad aad u faro badan ku noolyihiin nolosha iyo quutal daruuriga waxaad moodaa inuu dhexdhexadyahay marka aad u eegto magaalooyinka kale ee Somaliland. Burco dadka ku nool waxa lagu qiyaasay ilaa 300,000 oo kun sida ay sheegeen odoyaal ku dhaqan magaalada, dadku aad ayey u kala dabaqado duwanyihiin Waa nin iyo Waagii, dadku waxay u qeybsamaan ilaa saddex dabaqadood, waa ta hore dabaqada Tujaarta iyo ganacsatada, dabaqada Dhexe ee dadka iska caadiga ah iyo Dabaqada Dadka danyarta ah waxaanad mooda magaalo aan isla haysan oo uu nin waliba waqtigiisa la socdo. Dadweynaha reer Burco marka aad eegto Siyaasadda iyo warbaahinta siday ula socdaan. warbaahinta waxaad markasta arkaysaa iyago daawanayaa Telesiishanka Aljazeera ee ku hadla afka carabiga kaaso ay kala socdaan arrimaha bariga dhexe, arimaha Soomaaliland taasna waxay kala mid yihiin Gobolada Dalka marka laga reebo Hargaysa oo laga dawado Telefiishanada dalka, Idaacadaha waxay dhagaystaan Idaacada BBC-da warbaahinta dalka waxa yimaadaa Jaraa’idka, waxaana kala badan jaraa’idka magaaladu hesho iyo dadka ku nool. Taas oo macnaheedu yahay dadku jaraa’idkana ma wada helaan. dada.


Waxbarashada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

magalaada burco waa magaalo ku caana dhinaca waxbarashada sababtoo ah waxa ka soo jeeda magaalada burco aabihi waxbarashada soomaaliyeed maxamuud axmed cali. Magaalada burco aad ayey ugu fiicantahay waxbarashada marka loo eego dagaaladii iyo qalaasihii ay kaga danbaysay dalka intisa kale waxaana ku yaala dugsiyo ilaa 110 dugsi oo isugu jira Hoose, dhexe iyo 86 dugsi oo ah kuwa sare iyo labo jaamacad oo ah University of Burao iyo golis university. Dadweynaha reer Burco waxaad moodaa inay aad wax u bartaan oo ay waxbarashada wadaan guud ahaan marka aad eegto qiyaasta dadka wax barta waxaan odhan karnaa waa ilaa 70% oo u badan dhallinyaro. waxaa ka jira dugsiya badan oo gaar loo leeyahay sida Smart primary and secondary school,ilays,iftin,faaruuq,cabdalenuuri,iwm,hadaba markaynu eegno dugsiyadaa waxaad moodaa inay ka anfac badan yihiin kuwa dawliga ah ama public ah sida schoolka smart oo kale waxa ay ardaydiisu muujiyeen dadaal aad iyo aad u heer sarreeya,waxa jira qiimayn lagu sameeyo ardayda ka qayb gasha imtaxaanaadka fasalada 8aad ee dugsiga dhexe halkaas oo ay wasaarada waxbaashadu soo gudbiso 10ka arday ee uguu sarreeya imtaxaanka hadaba guusha uu ka gaadhay schoolka smart imtaxaanaadkaas maa ha kaliya guul u soo hoyatay dugsiga ama schoolka hase ahaatee sidoo kale waxay guul u soo hoyatay gobolka togdheer oo uguu faanidoona gobolada kale ee wadanka. Burco aad ayey u wanaagsantahay waxbarashada balse waxa siweyn loo eedeynayaa wasaarada waxbarasahada oo dadka markaad weydiiso Waxbarasahda gaarka ah iyo Xukuumada tee baa fiican waxa qiraal ah inay tan gaarka ahi aad uga horeyso ta kale.

libaax yada burco ku nool

Dhaqaalaha & Ganacsiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Marka aad eegto ila dhaqaalaha magaaladu ay leedahay ee la isla yaqaanay waxay ahayd Burco oo ahayd Saylada ugu weyn Somaliland ee iibka xoolaha taasina haatan waxa u laaban albaabada tan iyo xiligii la joojiyey Dhoofkii xoolihii la geyn jiray wada gacanka carbeed, Haatan dhamaan dalku waa kasoo kabtay dhaqaalihii ishaa kaliya ahaa ee xoolaha nool. Burco sido kale way kasoo kabatay oo aad ayuu isaga socda ganacsi aan xadlahayn hadaba markaad eegto xidhiidhada ganacsi ee ay burco la leedahay aduunka waxay siweyn ugu xidhantahay oo dhaqdhaqaaqeed alacageed laga xukumay suuqyada taasoo sabab ay u tahay lacagta giinbaarta ah ee ka dhaxayso iyaga iyo dalkii hore la isugu odhan jiray soomaaliya oo aad u ragaadisay dhaqaalaha Gobolka guud ahaan gaar ahaan magaalada Burco. Xiligii Madaxweyn Cigaal ee uu dalka u qeybinayey lacagta Somaliland Burco way diiday, laakinse waxa burco lacagta laga badalay oo ta somaliland laga istucmaalay sanadkii 2011. dhinaca ganacsiga waa kala dabaqado duwan yahay waana mid markasta socda haday noqoto ganacsiga shirkadaha waaweyn kan dadka caadiga ah waa mid furan oo socda waqti kasta, isku soo wada duub oo burco dhaqaalaha guud ahaan gobolka Togdheer wa mid aad u liita o ay ragaadisay lacagta giinbaarta oo lagu qiyaasay inay gaadhayso ilaa 250 kun US dolers ah. Mashaariicda horimaranya gobolka gud ahaan gobolka waxa ka socda mashruucad badan oo horumarideed isada mashuuca wadada labaad ee la jaraynayo in la bilaabo magadala dhex deeda intii dawalad cusubi dhalatay gobolkan togdheer maxa ka shaqeeya shan warshadood oo soo kala saara biyaha iyo sabuunta buda ah sida waxshada ILAYS oo iyadu soo saarta sabuunta buda ad iyo BAIL oo iyadu soo saarta sabuunta bua ah waxalakale oo ka shaqeeya 3 warshadood oo soo saara biyaha MAXADA SAXAN SAXO XAREEDA . Dhalinayarada: Waxa si weyn dhibaato ugu haya magaalada Burco dhalinayradii oo si weyn uga tahriibay oo aad uga baxay magaalada Burco oo markasta la soo sheegayo raxan dhallinyaro ah oo gaadhay dalka liibiya oo ah dariiq looga sii gudbo qaaradda Yurub. Sida kale dhallinayradu waxa ay ka tahriibayaan oo ay ka baxayaan waa dhibaatooyin la soo darsay una baahan wax ka qabasho weyn in laga sameeyo.

ubax yaada burco

Saylada Xoolaha ee Uguwayn Somaliland[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Burco iyadoo ay fooda inagu soo hayso Ciiddii Arafo ayaa Saylada Xoolaha ee magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer Laga dareemaayaa dhaq dhaqaaq aad u balaadhan oo la xidhiidha kala iibsiga xoolaha nool, Salada Xoolaha Magaalada Burco ayaa kamid ah Sayladaha ugu waaweyn Somaliland,maadama oo ay kutaalo Gobolka ugu Xoolaha badan wadanka,


Saylada ayaa waxa laga dareemayaa mashquul aad u balaadhan, iyada oo loo diyaar garoobayo Ciidda weyn ee Ciidul Udxa ayaa Xooluhu ka imanayaanDeegaanad hoos yimaada Gobolkan iyo waliba dhamaan dhulka ay somalidu degto,xolaha lagu iibsado Saylada magaalada Burco ayaa laga dhoofiyo Dekeda weyn ee magaalada Berbera iyadoo intooda badana loo iibgeeyo Dalka Sucuudiga iyo wadamo kale oo carabta ah,wxana wakhtigan si joogta ah uga ganacsada Saylada Burco Shirkado waaweyn oo ay kamid yihiin, INDHADEERO, AL-JAABIRI,AL- XUSAYN,iyo waliba kuwakale oo badan ,

Aadan Axmed Diiriye (baradho)oo kamid ah ganacsatada xoolaha iibiya oo aan la kulanay ayaa sharaxaya wakhtigan sida Xoluhu usoconayaan waxanu yidhi”jawiga Sayladu wuu wacanyahay waxaynu ku jiraa wakhtigii Mooshinka Xajka oo haatan gebogebo ah islmarkaana ay ka hadhsanyihiin waxan wiig kabadnayn, xoolaaha iibkooduna waa neef iyo sarartii waana isbed bedeshaa oo maalinba waa sixir gaara, maalintii waxaanu iibsanaa marka Burco iyo hargaysa laysku daro 40.000 ILAA 30 000 oo neef ku waas oo aan u iib gayno wadamada arabta”

Axmed oo kamida Ganacsatada islamarkaan ah Gudomiyaha Degmada Dhoqosha ayaa isna sheegay wakhtigan inay xooluhu xoog usoconayaan maadaama buu yidhi ay anu ku guda jirno udiyaar garawga Xajka, waxa kaloo uu mr, Axmed carab ka ku dhuftay inay maalmahan xoolaha sixirkoodu hoos u dhacay taasoo uu ku sifeeyay inay Xoolihii waa weynaa joogsadeen islamarkaana ay bilabmeen kuwii yar yaraa ee Gawraca.

sikasba ha ahaatee Saylada Xoolaha ee magaalada Burco ayaa waxay kamid tahay Sayladah ugu caansan somaliland uguna wayn islamarkaanalaf dhabar u ah dhaqaalaha somaliland, iydoo ay sanad kasta isugu yimaadaan xoolo aad u tira badan.

sawirka burco

{

Magaalooyinka Gobolka Togdheer Calanka Soomaaliya
Burco · Buuhoodle · Oodweyne · Sheekh




Halkan burco ka eeg[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

[1] [2]