Ajakis

Ka Wikipedia
Ajakis
Ku dhashayCabdi Muriidi Dheere
1966
Soomaaliya
DhimashoSepteembar 27, 2021
Muqdisho, Soomaaliya
Shaqada
  • Majaajiliista
  • jilaa masrax

Cabdi Muriidi Dheere (1966–Septeembar 27, 2021)[1], ku magac dheer Ajakis, waxa uu ahaa majaajiliistaha Soomaaliyeed oo caan ah iyo jilaagii masraxa.

Taariikh nololeedka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ajakis wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Soomaaliya, halkaas oo uu ku noolaa ilaa dhimashadiisa. Ajakis intii uu yaraa waxa uu ku raaxaysan jiray daawashada majaajiliistaha Soomaalida laakiin waligiis uma malaynayn in uu noqon doono.[2]

Ajakis waxa uu bilaabay in uu masraxa ka ciyaaro sida masraxka qaranka oo uu caan ku noqday isaga iyo majaajiliistaha kale ee Soomaaliyeed. Intaa ka dib wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo Universal TV oo ah jilaa.[3][4]

Ka dib waxa uu ka mid noqday hormoodkii shirkadda Al-Faghi ee ku takhasusay u-dubbada aflaanta Hindiga iyo musalsalka Turkiga af-Soomaaliga oo uu sidoo kale caan ku ahaa.[5] Kahor dhimashadiisa, Ajakis waxa uu tan iyo 2018 ka soo shaqeeyay barnaamijka Masraxa Furan ee Universal TV.

Geerida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ajakis ayaa ku dhintay Muqdisho Sebtember 27, 2021, ka dib markii uu cusbitaal ku jiray.[6][7] Geerida Marxuumka ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo waxaana tacsi ka helay dad badan.[8]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Ajakis: Comedian who made Somalia laugh at its own problems dies.
  2. Famous Somali Comedian 'Ajakis' dies in Mogadishu Archived Maaj 4, 2022 // Wayback Machine.
  3. Majaajiliste Ajakis oo geeriyoodey - Garowe Online.
  4. Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Ajakis oo Muqdisho ku geeriyooday Archived Maaj 4, 2022 // Wayback Machine.
  5. Renown Somali comedian Ajakis dies in Mogadishu today.
  6. Well-known Somali comic dies in Mogadishu - Horn Observer.
  7. Somali comedian Abdi Ajakis known for his Indian movie dubbing has died Archived Maaj 4, 2022 // Wayback Machine.
  8. Geerida Ajakis: Cabdi Muriidi Dheere laftiisa muxuu geeridiisa ka yiri hadda ka hor? Kumuuse ahaa?. BBC Soomaali.