Awood Kaydsan

Ka Wikipedia

Awooda Kaydsan

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qodobkaan, eeg Awooda Kaydsan.
Leebku inta uu ku jiro ninka gacantiisa waa Awood Taagan laakiin marka la gamo wuxuu isku bedelayaa Awood Socota.

Awooda Kaydsan (ingiriis: Potential Energy) sida cilmi Fiisikisku sheegay awood kaydsan waa awooda taagan ee ku kaydsan meel. Awooda kaydsani waa mid meel taagan oon wax dhaqdhaaq ah samaynayn. Awooda kaydsan hadii isbedel ku yimaado waxay noqotaa Awood Socota.

Guud ahaan, noocyada awooda intooda u badan waa la isku bedeli karaa ayadoo la isticmaalayo habab kala duwan. Awooda korontada, tusaale ahaan, waxaa loo bedli karaa awood kul, awood cod iyo awood iftiin iyo noocyo kale oo badan. Laakiin waxaa jira noocyo badan oo awooda ka mid ah oon la bedeli karin, sida awooda awooda cufisjiidadka lama bedeli karo.

Si waafaqsan heshiiska Nidaamka Caalamiga ee Halbeega ee loo yaqaano SI, halbeega lagu cabiro awooda dhamaanteed waa Juul oo astaantiisu tahay j; inkastoo qeybaha kala duwan ee awooda loo isticmaalo cabir halbeegyo kala duwan. Tusaale ahaan, dhererka waxaa lagu cabiraa mitir, awooda socota ee dhererka waxaa lagu cabiri mitir-juul.