Bacaad

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Bacaad

Bacad
Dalka

 Soomaaliya

Gobol Bari
Magaalo Bosaso
La Asaasay 1708
Aag saacadeed UTC+3 (EAT)

Bacaad(Af Ingiriis : Ba'aad; Af carabi: باعَد), waa mid ka mida ah magaalooyinka ugu qadiimisan Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bari, waxaa assaaska magaaladani ku sinayd qarnigii 17-aad ee Taariikhda Miilaadiga. Magaaladanu waxay caan ku tahay Dekedda dabiiciga ama rabaani ga ah ee la yiraahdo Dekettu Raxmaan, halkaa oo Soomaalidu mudo dheer ka dhoofin jireen badeecadaha ay u waaridayaan wadamada shisheeye, si doo kale wixii ay la soo degayaan ayeey kala soo degi jireen. Bacaad waxay caan ku tahay Dekadda dabiiciga ah ee Dekatul Raxmaan. [1]

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Inkastoo uu xadidan yahay horumarka ay samayasay magaaladani mudooyinkii u dameeyay hadana waa magaalo magac dheer, qiimo badana u lahayd bulshooyinkii jiray wixii ka horeeyay 1980- xiligaas oo ku dhowaa waqtigii la furay Dekedda Magaalada Boosaaso. Bacaad waxay leedahay dhul aad u weyn oo suurtagal ay tahay in siyaabo badan oo kala duwan looga faa'iidaysto, gaar ahaan hadiiba ay suurowdo in la balaarito Dekadda dabiicig ah ee Magaalada. [2]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]