Boqortooyada itoobiya

Ka Wikipedia

Boqortooyada itoobiya afka amxaariga መንግሥተ፡ኢትዮጵያ ama sidoo kale loo yaqaaan xabashida, waa boqotooyo hore oo ka jirtay qeybo ka mid ah maanta itoobiya iyo eratree, waxey soo bilaabatay sanadkii 1271 ilaa 1974tii way sii jirtay, markaas oo afgambi lagu riday boqorkii ugu dambeeyay Xayla Siilaasi, mudada dheer ee jirtay waxey dagaalo la gashay dawladihii muslimika ahaa ee ku hareesanaa, sida saladanada cadal oo dagaladii axmad gureey ugu caansanaayeen, guusha ayaa marba dhinac raaci jirtay, ilaa gumeeystaha reer yurub ka yimid, boqorkii itoobiya waagaa menelek labaad oo taageero ka helaayo gumeestaha reer yurub ayaa qabsaday dawladihii muslimka ee ka ag dhawaa, wuxuuna ku daray dawladiisa, sidaas ayee itoobiya ku noqotay mid balaaran oo qawmiyado badan kulmiso.