Botashiyaam
Appearance
Botashiyaam
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Botashiyaam (Ingiriis: Potassium) calaamad K waa curiye kimiko ah oo tiroda atomkiisu tahay toban-iyo-sagaal.
Botashiyaam waxay ka tirsan tahay juffoda Birta Alkali waxaanay leedahay midabka Naxaasta oo cad.
Curiyehan oo aad u jilicsan ayaa si dhakhso ah ula fal-gala hawo iyo dhammaan noocyada kale ee curiyeha milma.
Sida dabeeciga ah, Botashiyaamta waxaa laga helaa dhulka ayadoo u sameeysan sadex qaab oo ka mid tahay isotope-ka 40K kaas oo ah radioactive aad u khatar badan.
Dhinaca kale, Botashiyaam waxay aad ugu qaab-samays dhowdahay curiyeha Sodhiyaam, taas darteed waagii hore lama kala aqoonin isku-dhisyada cusbo (milix) eey sameeyso.
Botashiyaam waxaa loo isticmaalaa kimikooyinka warshadaha iyo waxyaabo kale sida saabuunta.