Botka internetka

Ka Wikipedia

Botka internetka (Af Ingiriis : Internet bot; Af Carabi : ar‎) (sidoo kale loo yaqaano web robot, WWW robot ama Bot) waa qorshe software kaasi oo lagu borograamiyay in iskeed u qabato howl cayiman ayada oo isticmaalaysa khadka internetka. Sida caadiga ah, botska waxay qabtaan shaqooyin fudud, kuwo culus, kuwo mashquul badan iyo shaqooyin badan oo isku dhex dhafan kuwaasi oo socda mudo dheer ama soo noqnoqonaya. Shaqooyinka qaar ay botsku qabtaan waa kuwo aan lagu aamini karin dadka oo kali ah, halka kuwo kale ay yihiin shaqooyin qaadanaya wakhti aad u dheer.

Guud ahaan, ujeedada iyo shaqada ugu muhiimsan ee botka waa in uu fududeeyo una adeego dadka ayaka oo qabanaya shaqo lagu kalsoon yahay oo khaladkoodu aad u yar yahay.

Sidoo kale, botka interneku waa borograam lagu qoray cilmiga oo cilmi badan leh,waxoo noqon karaa asiga oo atomatik ah ama gacan loogu shaqeesiiyo. Botka waxaa badanaa lagu isticmalaa cayaaraha kombiyutarka. Botyaasha wee kala duwanyihiin, waxaa jiro Robotka oo asiga neh ah kombiyutar la brograameeyay iyo botka Shukaansiga oo ah, program cilmi leh oo kula hadlaayo, sida kuwa ku jiro MSN'ka oo kale. Botka waxaa ku arki kartaa wikipedia, ayaga oo markasto wax bedelo.

Qoraalo Kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]