Cabdi Deeqsi

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Cabdi Sinimo)
Boga "Cabdi Sinimo" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Cabdi Sinimo

عبد سنيمو
Ku dhashay (1920-01-01) Janaayo 1, 1920 ( 104jir)
Jarahorate, Awdal, Somaliland
DhimashoJanaayo 1974 ( 1972–1973 jir)
Borama, Awdal
QoomiyadaSoomaali
Dhalasho Somaliland
ShaqadaFanaan, Heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan
Sanadaha Shaqada1940kii ilaa 1970meyihii
Ka tirsanBalwo
Shaqooyinka ugu muhiimsanFanka Soomaalida, Qaaci iyo Qaraami
DiintaSuufi Islaam
Notes
Aabaha Fanka Soomaalida, sameeyay Balwo, horumariyay qaabka heesaha Soomaalida.

Cabdi Deeqsi Warfa (Af Carabi : ar‎) caan ku ah Cabdi Sinimo wuxuu ahaa fanaan, heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan aad loogu aqoonsaday horumarinta Fanka Soomaalida wakhti dadku aqoon badan u lahayn fanka. Cabdi Sinimo waxaa loo aqoonsaday Aabaha Fanka Soomaaliyeed, sababatoo ah wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee sameeyay qaabka heeso Soomaaligu maanta u dhaco, asaga oo abuuray laxanka iyo habdhaca aasaaska u ahaa qaaciga iyo qaraamiga caanka ah.[1] Cabd Deeqsi wuxuu ku dhashay tuulada Jarahorate, Awdal, Somaliland wakhti lagu qiyaaso 1920kii. Wuxuu heesaha iyo fanka bilaabay qiyaastii 1940kii goortaasi oo uu sameeyay kooxda iyo fanka Balwo.

Hordhac

Cabdi Sinimo wuxuu dhashay sanadkii 1920kii tuulada Jaarahorato ee 25 miyl waqooyi-bari ka xigta magaalada Borama ee Gobolka Awdal, maanta ka mid ah Somaliland. Cabdi Sinimo waxaa la dhashay 18 caruur ah, wuxuuna ahaa wiilka afaraad ee reerka ugu wayn. Qiyaastii 1944kii wuxuu magaalada Borama dhexdeeda ku abaabuley oo sameeyay kooxda Balwo, taasi oo soo bandhigtey fan iyo suugaantii ugu horeeysay ee dadka Soomaalidu maqleen wakhtigaasi.

Taariikh

Sida warbixinta lagu hayo, Cabdi Deeqsi Warfa "Cabdi Sinimo" wuxuu ahaa dirawalka iyo mulkiilaha gaadhi xamuulka iyo dadka u kala qaada magaalada Borama iyo Djibouti. Qiyaastii sanadkii 1943kii ayaa Cabdi Sinimo baabuurkiisi ku jabay meel u dhow Banka Giriyaad, wakhtigaasi ayuu sameeyay ereyada heestii ugu horeeysay uu ku luuqeeyay asagoo ka shaqaynaya baabuurka ka xumaaday. Heestaasi waxaa la yidhaahdaa Balwo; waxayna noqotay magaca iyo bilowgii suugaanta cusub ee Soomaalida iyo kooxdii ugu horeeysay ee fanaaniin leh: Kooxda Balwo.[2]

Balwooy! Hooy balwooy Waxa i baleeyey mooyaan Waxa i baleeyey baabuur Waxa i baleeyey Beerguba. . . .

Cabdi Sinimo, Qaamuuska Taariikhda Soomaaliya, 2003

Kooxda Balwo

Kooxda Balwo waxaa xubin ka ahaa:

  • Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
  • Kobali Ashad
  • Xuseen Aare Miicaad
  • Xaashi Warsame
  • Khadija Eye Dharar (Khadija Balwo)
  • Nuriya Atiq

Qoraalo La Xidhiidha

Cadaymo

Tixraac