Kooxda Balwo

Ka Wikipedia
Balwo
بلوه
AsalSoomaaliya
Nooca fankaBalwo
shaqadafanaan, ciyaaro
Qalabkacod, gitaar, kaban, Turunbo
Sanadaha Shaqada1943kii ilaa 1960meeyihi
Falalka la xiriiraCabdi Deeqsi Warfa, Hobolada Waaberi, Heeso Soomaali

Kooxda Balwo (Af Carabi : ar‎) waxay ahaayeen koox hobolo, fanaaniin, heesaa, majaajilo, ruwaayado, iyo bandhigyo faneed ku caan ahaa oo u dhashay wadanka Soomaaliya. Kooxda Balwo waa kooxdii ugu horeeysay ee sameysa heesaha jacaylka iyo kalgacalka ee Soomaalida, waxaana kooxda bilaabay Aabaha Fanka Soomaalida Cabdi Sinimo wakhti lagu qiyaasay sanadkii 1943kii.

Hordhac

Balwo waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida. Balwo waa heesihii ugu horeeyay ee jacayl iyo kalgacal ku salaysan kuwaasi oo muusik loo garaaco. Markii ugu horeeysay, heesahan waxaa sameeyay Aabaha Fanka Soomaalida Cabdi Deeqsi Warfa. Heesaha Balwo waxay ka bilaabmeen magaalada Borama, gobolka Awdal wakhti lagu qiyaaso intii u dhaxaysay 1940 ilaa 1945kii. Balwo waa hab iyo qeyb ka mid ah heesaha iyo Fanka Soomaalida taasi oo ah aasaas iyo sal u ah habka heeso Soomaaliga casriga ah. Heesaha Balwo waxaa bilaabay koox uu aasaasay aabaha fanka Soomaalida Cabdi Sinimo wakhti qiyaastii ku beegan 1935kii.

Taariikh

Sida warbixinta lagu hayo, Cabdi Deeqsi Warfa "Cabdi Sinimo" wuxuu ahaa dirawalka iyo mulkiilaha gaadhi xamuulka iyo dadka u kala qaada magaalada Borama iyo Djibouti. Qiyaastii sanadkii 1943kii ayaa Cabdi Sinimo baabuurkiisi ku jabay meel u dhow Banka Giriyaad, wakhtigaasi ayuu sameeyay ereyada heestii ugu horeeysay uu ku luuqeeyay asagoo ka shaqaynaya baabuurka ka xumaaday. Heestaasi waxaa la yidhaahdaa Balwo; waxayna noqotay magaca iyo bilowgii suugaanta cusub ee Soomaalida iyo kooxdii ugu horeeysay ee fanaaniin leh: Kooxda Balwo.[1]

Balwooy! Hooy balwooy Waxa i baleeyey mooyaan Waxa i baleeyey baabuur Waxa i baleeyey Beerguba. . . .

Cabdi Sinimo, Qaamuuska Taariikhda Soomaaliya,2003

Xubnaha Kooxda

Kooxda Balwo waxaa xubin ka ahaa:

  • Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
  • Kobali Ashad
  • Xuseen Aare Miicaad
  • Xaashi Warsame
  • Khadija Eye Dharar (Khadija Balwo)
  • Nuriya Atiq

Qoraalo La Xidhiidha

Cadaymo


Linkiyo Banaanka

Tixraac

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: