Caleen

Ka Wikipedia

Caleen

Caleemuhu waa xubinta u qaabisan ineey cuntada u sameeyso geedka ayagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.

Caleen wadar ahaan Caleemo (ingiriis: Leaf) waa xubin midab cagaaran leh oo ku taala laamaha geedaha. Caleentu waa xubin yar oo balaadhan, khafiif ah, kuna taala qeeybaha sare ee laamaha geedka, taas oo shaqadeedu tahay ineey sameeyso cuntada dhirtu u baahan tahay si eey u korto iyo noolaato.

Inta u badan dhirta, Habka Samayska Cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaa caleemaha iyo laamaha geedka, halkaas oo biyaha, awooda ileyska iyo kaarboon-labo-ogsaydhku ku falgalaan. Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxa Ogsajiin caleemuhu cirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.

Maqaalkan guud waa la bilaabay.
Wax ma ka taqaan Caleen sida taariikhdeeda ama xidhiidhka ay la leedahay mawduucyo kale?
Waxaa laga yaabaa inaad ku aragto macluumaadka Wikibidhiya Ingiriiska ama luqado kale oo ay tahay in la tarjumo?
Markaa waxaad ku caawin kartaa Wikibidhiya leh wax ka bedel oo ku dar xog.