Darawal

Ka Wikipedia

Waa shakhsi ama qofka xirfadiisu tahay inuu kaxeeyo ama wado baabuurta

Darawal[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Darawal ama Shufeer waa qofka awooda uleh inuu koontaroolo ama maamulo gaadiid ama baabuur dul socda oogada dhulka. Darawal waa qof xirfad iyo aqoon u leh inuu baabuur kexeeyo oo si fiican u yaqaana sharciga wadada isla markaana heeysta shahaado ogolaansho oo dowladuhu bixiyaan. Darawalnimadu waxay noqon kartaa shaqo, taas oo ah in qofka dirawalka ahi maamulo baabuur isagu iska lahayn; sidoo kale waxa dhacda in qofku darawal ka noqdo baabuur uu isagu leeyahay. Dunida sabankan aan ku nool nahay waxaa jira noocyo badan oo dirawalo ah.

Isku soo wada duubo, dirawalnimadu maahan mid sahlan. Waxaa muhiim ah in qofka darawalka ahi noqdo mid caafimaad qaba oo aragiisu fiican yahay isla markaana xilkas ah oo fahansan masuuliyada saaran. Khalad yar oo dirawalku sameeyo waxay keeni kartaa ineey halis-geliso noloshiisa iyo dhamaan inta la saaran gaadiidkaasi. Sidaasi darteed, Dawladdaha aduunka oo dhan waxay leeyihiin shuruuc iyo qawaaniin u taala darawalka iyo gaadiidka dhamaantoodba, midaas oo keentay in qofku soo maro Dugsiga Barashada Darawalnimada iyo imtixaano dhowr ah.

Jiheeynta iyo kaxaynta bushukuleetiga iyo xayawaanada lama odhan karo darawalnimo.

Taariikhda Dirawalnimada waxan yaranteyda kudadaley darawalnimada waxan ahay darawal agtif ah waxan kuno lahay Mogdisho deg dharkeynley waxan rabaa in aan heer kagaro darawalnimada call 617479214[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shuruudaha Dirawalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sharciyada Wadada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]