Garoowe

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Garowe)

Garoowe waa Magaalo madaxda Gobolka Nugaal, Ee Soomaaliya. waana Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland. Magaaladan waxay ku taal meel Istaraatiiji ah, waxayna isku xirtaa magaalooyinka waawayn ee dalka, waxaana Magaalada Dhexmara Laamiga Wayn ee Gobolada Dalka Isku xira, Laamiga marka uu magaalada Soo Galo waxa uu u qaybsamaa Sadex laami; Mid waxa uu u leexda waqooyi, Hargaysa iyo wixii ka shisheeya. Mid waxa uu aadaa Bari, Boosaaso. Midka kalana Waxa Uu ka yimaada Koonfur, Muqdisho Ilaa Kismaayo. Beelaha degah waxaa kamid ah, . Majeerteen .dhulbahante . Madhibaan

Taasoo ku tusinaysa Ahmiyadda Magaaladan ugu fadhido Soomaaliya.

Magaalada garoowe. Agagaarka barxadda wayn
Garoowe 2022
Garoowe

Garoowe
غاروي
magaalo
Garoowe is located in Somalia
Garoowe
Garoowe
Location in Somalia.
Coordinates: 8°24′N 48°28′E / 8.400°N 48.467°E / 8.400; 48.467Coordinates: 8°24′N 48°28′E / 8.400°N 48.467°E / 8.400; 48.467
dal Somalia
Maamul Goboleedka Puntland
GobolNugaal
Dowlada
 • NuucaMayor-Council-Commission
 • duqaaxmed saciid Muuse[1]
Area
20 km2 (8 sq mi)
Joogga
465 m (1,526 ft)
Tirada dadka
(2019)[2][3][4]
 • magaalo485,760
 • Urban
33,395
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha090

Macluumaad Guud[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Garoowe ayaa waxay soo martay maraxalado kala gedisan. Haatanna waxay maraysaa heerkeedi ugu sarreeyay. Magaalada Ayaa kadhaxaysa soomali oo idil ammaankeeduna aad iyo aad ayuu usuganyahay. waxaana kajirtaa Nabadgelyo, kala dambayn, iyo isxaq-dhowr noocii ugu dameeyay. Taasoo uu ku naaloon karo shakhsi kasta oo tix galin, maamuus, iyo wanaag u haya bulshada soomaaliyeed iyo isku duubnideeda. Midnimadeeda iyo wada noolaansheheeda oo aan looga shakisanayn inuu khal khal galinayo dalka iyo amnigiisa. Garowe waxaa ku yaal Meelo aad u qurxoon, suuqyo iyo bacadlayaal, aad iyo aad u camiran Jawiga ayaa had iyo goorba ah mid aan qaboow saa'ida iyo kulayl saa'idana aan lahayn qorraxda ayaa inta badan waxaa ku dahaaran cadar iyo daruuro. Taasoo ku kalliftay shakhsigii bartah cimiladeeda inuusan meelaan iyada ahyn uusan uba xiisin. Si kastaba ha ahaatee,maciishadda Magaalada Garowe ayaa ah mid aad iyo aad u jaban taasoo u masaabaxaysa qofkasta inuu si sahlna ugu noolaado. Garoowe waa magaaldii lagu dhisay dawlada puntland 1dii august ee 1998, waxay caan ku tahay nabadda, waxaana lagu qabtay shir nabadeedyo badan xiligii burburka. waa magaalo ku taal dhexbartanka puntland 3 ka mid ah 5 gobol ee puntland ay ku hareeraysan yihiin, dhinacna waxaa ka mara badweynta caanka ah ee India. magaalooyinka xeebta ugu dhoow ee gobolka nugaal ayaa ah Eyl, godob. Nugaali waa dhul carrosan oo biyo had iyo goor qulqulayaan, buuro gaagaagana leh, ha yeeshee bannaan u badan, Ğarowe dadka ku nool tiro sax ah lagama hayo balse waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad Nus-Milyan Qof

Magaalada Garowe waxay xarun u tahay maamul gobaleedka Puntland waxaana sidoo kale ay fariisin u tahay dhamaan Ha,adaha ka hawlgala deegaanada Dawlad Gobaledka Puntland,dadka magaalada ama magaalooyinka kale ee puntland waxaa la oran karaa waa dad soodhaweynta madaxda aad u yaqaan oo horseed u soomaalida dhanka soo dhaweynta madaxda dalka iyo kuwa caalamka waxaa tusaale inoogu filan sidii ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha dalka mudane maxamed cabdulaahi farmaajo mrkii uu soo booqday garoowe si uu u furo garoonka cusub ee magaaalada, tariikhdu markay ahayd, 2018/08, .


bilicda iyo koboca

magaalada garowe guud ahaan waa magaalada ugu ugu wadooyinka ama laamiyada badan maamulka p/l, sidoo kale waa magaalada koobaad ee sida fiican ugu faaidaysatay barnaamijka JBLG ga puntland. waxayna ku jirtaa magaalooyinka ugu koboca badan soomaaliya. garoe waxaa ku nool dadweyne gaaraya 500kun oo qof. magaalada garoowe taariikh ahaan waxay kasoo bilaabmatay xaafada waaberi.

Taariikh-da[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bulshada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

KOBOCA[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wadooyinka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

sido Kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Garowe Online. 30 Jun 2020 https://www.garoweonline.com/en/opinions/somalia-mayors-desire-for-greener-garowe.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (PDF). United Nations Development Programme https://web.archive.org/web/20170728203029/https://docs.unocha.org/sites/dms/Somalia/UNDP-POP-RURAL-URBAN%202005.pdf. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 28 June 2017. Soo qaatay 31 December 2020.  Barameter aan la aqoon |url-status= ignored (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. (PDF). May 17, 2012 http://www.fsnau.org/downloads/Garowe-Urban-Baseline-Report-May-2012.pdf. Soo qaatay December 27, 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. http://reliefweb.int/report/somalia/rapid-needs-assessment-drought-situation-bari-nugal-and-sanaag-regions-puntland