Gego diyaarad

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Gego Diyaarad)
Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan Gegada Diyaaradaha.
Shaxda qaabka guud ee Gego diyaaradeed u dhisan tahay
Maabka deegaanada Gego diyaaradaha ee caalamka

Gego Diyaarad (Af Ingiriis : Airport; Af Carabi : ar‎) waa deegaan loo qorsheeyay in ay ku soo degaan, ku nastaan, lagu hagaajiyo, ka duulaan diyaaradaha qaada dadka iyo alaabta.[1] Sida caadiga ah gego diyaarad waxaa laga sameeyaa agagaarka magaaloyinka iyo caasimadaha waaweyn ee ku dhaqan yihiin bulsho badan. Waxaa sidoo kale jira gegooyin diyaaradeed oo si khaas ah loo leeyahay.[2] or a helipad,[3]

Guud ahaan, gego diyaarad waxay ka kooban tahay wado diyaaraduhu ku soo degaan ama ka duulaan, dhismo dheer oo loo yaqaano tower, dhismeyaal lagu xareeyo diyaaradaha iyo agabkooda, dhimeyaal ay ku nastaan ama sugaan dadka raacaya ama ka soo dega diyaaradaha, iyo goobo loo qorsheeyay amniga iyo maamulka gego diyaaradeed. Gegooyinka qaar, gaar ahaan kuwa aadka u waaweyn, waxay leeyihiin dhimeyaal badan oo kala sareeya kuwaasi oo suurtogeliya in diyaarado aad u badan oo qaarkood aad u waaweyn yihiin ka soo degaan ama ka duulaan.[4] Sidoo kale, gegooyinka diyaaraduhu waxay leeyihiin goobo loogu talogalay adeega bulshada sida adeega caafimaad ee degdega ah, qolal lagu nasto, musqulo, makhaayado, goobo taleefanada laga dirsado, tukaano waaweyn iyo meelo kale oo ganacsi. Waxaa intaas dheer, adeega amaanka iyo ilaalada oo intooda badan hoostegta adeega dowlada iyo mararka qaar shirkado gaar ah.

In kastoo kuwa ugu badan ku yaalaan deegaanada oogada dhulka, waxaa jira gegooyin diyaaradeed oo ku yaala biyaha dushooda sida xeebaha, webiyada, harooyinka iyo biyaha kale ee baaxada leh. Gegooyinka noocaas ah waxaa loo yaqaanaa Saldhig Diyaaradaha Biyaha (seaplane base).

Inta ugu badan gegooyinka diyaaradaha caalamka waxaa iska leh ama gacanta ku haya maamulada dowlada deegaankaasi ama wadankaasi.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. http://www.merriam-webster.com/dictionary/airport. Soo qaatay 1 September 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. http://www.merriam-webster.com/dictionary/runway?show=0&t=1422938979. Soo qaatay 1 September 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. http://www.merriam-webster.com/dictionary/helipad. Soo qaatay 1 September 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. http://www.merriam-webster.com/dictionary/hangars. Soo qaatay 1 September 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)