Laascaanood

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Las Anod)
Jump to navigation Jump to search
Laascaanood

Las Anod

لاسعانود
Magaalo
Lasanod town.jpg
Nickname(s): 
Las Anod, xarunta beesha darawiish
Motto(s): 
Laaska, xarunta reer darawiish
Dalka Dhulka Darawiish
 Somaliland
Gobolka Sool
Degmo Laascaanood
Tirada dadka
 • Dhammaan 320,000
Aag saacadeed UTC+3 (EAT)

Laascaanood (Af Ingiriis : Las Anod, Af carabi: لاسعنود) waa magaalo oo ka tirsanayd xarunta daraawiishta wakhtiga qarnigii 19ka iyo labada tobanaansho oo ku xigayd, oo ilaa maanta beesha Darawiish ku badhan. Wuxuu caasimad ka yahay gobolka Sool ee jamhuuriyadda Somaliland. Magaaladaan waxay qayb ka tahay meelaha goobaha ahayd daraawiishtii ilaa 1921, intii aaneey la wareegin ciidamadii gumaysiga ee xukumayey Somali Coast Protectorate iyo USP ka dib. Laascaanood waxaa ku nool dad ka soo jeeda beelaha reer darawiish, iyo tirada reer darawiish waxa lagu qiyaasaa 99 boqolleey (%).

Dadka ku nool oo Las Anodiyaan ama Las Anodi loo bixiyo, waa dad oo aaminsan fikrada darawiishnimo ama darawiishnimada. Waa sababaha ka mid ah ay dadka ku nool isku bixiya reer Darwiish.

Goboleedyaal

Waxaana ay ku taala meelaha Somaliland ugu quruxda badan amaana ku dhex leh bulshada gobolada bari 'waxaana gabayo ka mid ahaa(( laani waa ta laaska ka laad laada)) waxay kaloo xuddun u ahayd xisbigii siyaasadeed ee USP oo ahaa mid guulo badan ka gaadhay dhanka Siyaasadda '., waaxana ku yaala magaalada laascaanood dhexdeeda labada buureed we igu dhaadher gobolka sool laguna magacaabo buuraha sayid mohamed cabdulle hassan 'waana magaalo aad muhiim u ah dhanka dhulka amaba siyaasad ahaan oo group walba siyaasad wataa uu jecelyahay inay ka mid ahaato dhankiisa hada waxaa ku sugan kana aramiya Dawlada Khaatumo State ,magaaladaan waxey u dhaxeesaa Gobolada Sanaag, Nugaal Iyo Somaliland Magaalada waxaa ku dhaqan dad gaarayaa ilaa 320 kun oo qof. Laascaanood waxey ka midtahay magaalooyinka taariikhiga ah.

waxaa magaalada la aasaasay horaanta qarnigii 12 aad waxayna noqotay xaruntii dhaqdhaqaaqa xornimo udirirka soomaaliyeed ee Daraawiishta, magaaladaan waa magaalo ka duwan qeybaha kale ee dalka Khaatumo State , waa magaalo si buuxda ah loo soo gumeesanin. Magaalada Waxay leedahay durdur biyood webi laamood ah oo mara dhanka koonfured ee magaalada, taasi waxay sahashay dhulbered balaran oo ka kasoo baxo halkaa, guud ahaana haqabtira baahida qudareed ee magaalada, magaaladu waxay leedahay dugsiyo diini ah oo dhaman gobolada Somaliland looga soo cilmidoonto Qodabada kale ee taariikhda lagu xuso waxaa ka mid ah xoriya diriirki, magaalo aan si buuxda loo gumaysan, laaska caanaha macnaheedu tahay hoyga caana sidoo kale waxaa ka mid ah magaaladaan waxaa lagu dilay Allaha u naxariistee madaxweynihii soomaliyaadii hore Cabdirashiid Cali Sharma'arke sannadkii 1969.

Waxbarashada

Magaalada waxa ay leedahay xarumo waxbarasho kala duwan oo isugu jira kuwa dawli ah iyo kuwa gaar loo leeyahay. Waxaana ka mid : Gollis University Las Anod Campus Jaamacadda Nugaal Jaamacadda Ummada Ilays, Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf, Dugsiga sare ee Nugaal, Dugsiga sare ee ilays, Dugsiga hoose/dhexe ee Golkhaatumo, Dugsiga hoose dhexe ee Abyan, Dugsiga hoose/dhexe ee Gateway Machadka Macalin Jaamac, Machadka diiniga ee Khaddiija Machadka diiniga ee caa'isha Machadka Imaamu Shaafici, Machadyada Tababarka Computer-da Sida; Sahalsoftware Collage ,Future Technology Center iyo Liibaan Institute of Computer iyo qaar kaloo badan. Isgaadhsiinta iyo Xarumaha Caafimaadka Magaalada waxa ay aad ugu horumartay dhinaca isgaadhsiinka waxii ka danbeeyay sannadkii 2000, iyada oo magaalada hada ka shaqeeyaan tiraba afar shirkadood oo kala ah: Hantelcom, Telesom, Telekom, Golis Somtel STG. Dhinaca caafimaadka waxaa magaalada ku yaala hal cisbitaal oo guud iyo mid kale oo gaar loo leeyahay. Waxaa kaloo jira xarumo yaryar oo iyadana gaar loo leeyahay.

Wakhtiga USP

Calanka USP ee bulshada Warsangeli iyo Dhulbahante

USP waxay ahayd jabhad oo ka mid ah bulshada Warsangeli yo Dhulbahante. Niman reer Las Anod oo hogaamiye ka ahaa USP waxaa ka mid ah:

  • Maxamed Cabdi Xaashi - oo Madaxweynta USP ahaa
  • Colonel Tukeh - oo Dhulbahante ahaa, oo weliba dad Isaaq fara badan xasuuqay
  • Jaamac Guled Abdi Blue - oo Dhulbahante ahaa, oo weliba taliyaha ka ahaa dareewalada dayuuradda ee burburay magaalada Hargeisa 1988kii
  • Dhabdhable - oo Dhulbahante ahaa, oo weliba ka mid ahaa ragga Dhulbahante ee xasuuqay Isaaq fara badan

Sidoo kale fiiri

Tixraac