Midowga Maxkamadaha Islaamiga
Maqaal kaan malahan xigasho ama xog xaqiijin ah. |
Midowga Maxkamadaha waxee ahaayeen urur rabay in ee Soomaaliya ku xukumaan shareecada taariikhda marka ee u dhaxeesay 2006 ilaa 2007.Ururkaan waxaa hogaaminaayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo madaxweyne ka noqday Dowladda federaalka soomaaliya.Maxkamadaha islaamiga waxaa ka mid ahaa dadbadan oo xagjiryaal ah, sida al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo shareecada ka aaminsanaa qaab kale.Caalamka neh waxee ururkaan u aaminsanaayeen in oo ahaa mid la xiriira al-qaacida.2006di ururkaan waxoo maamulaayay dalka oo dhan. inta aan ka eheen labada maamul ee woqooyiga iyo meelo ka mid ah gobolka gedo.Dhamaadkii 2006 urukaan waxaa soo weeraray ciidamo ka socda dalka Itoobiya, waxeena ku jabiyeen meelo ka mid ah gobolada Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxee u carareen dhanka caasimada Muqdisho,Halkaas oo dagaal aad u xoogan ka dhacay, dad badan ayaa ku dhintay dagaaladaas iyo ciidamo farabadan oo ka mid ahaayeen kuwa itoobiyaanka iyo kuwa maxkamadaha islaamiga.Bilaawgii 2007 waxee u sii carareen dhanka gobolada jubooyinka.Halkaas oo looga dabatagay oo dagaal aad u b'an ka dhacay.Ururkaan waxoo isdhiibay 2007 markii dhulbadan laga qabsaday oo la'isku jilbo murxiyay.