Portal:Antarktika/Maqaal xul ah/4

Ka Wikipedia

Badweynta Koonfured (Badweynta Antarktika) waa mid ka mid ah shanta badweyn ee aduunka taasi oo dhacda meesha ugu xigta koonfurta dhulka. Badweynta Koonfured waxay ku taalaa koonfuta dhigta 60° K taasi oo ku wareegsan gobolka Qaarada Antarktika.

Marka laga hadlayo baaxada iyo waynida, badweyntani waa bada afaraad ee ugu weyn badweynta aduunka, waxaa ka wayn Badweynta Baasifik, Badweynta Atlaantik, iyo Badweynta Hindiya; waxaysa ka weyn tahay Badweynta Arktik. Biyaha badani waxay dhacaan soonaha biyaha qaboow iyo diiran ku kulmaan.

Markii ugu horeeysay taariikhda waxaa sanadkii 1770kii la ogaaday badweyntani markii sahamiye kabtan James Kook u gooshay biyaha koonfureed ee aduunka. Intaas wixii ka dambeeyay waxaa cilmiyahanada juquraafigu aad ugu qulqulayeen gobolka ay badweyntani ka mid tahay. Sidoo kale waxaa in mudo ah muran iyo is-afgaranwaa ka taagna xadka Badweynta Koonfureed, taasi oo meelo badan lagaga qasayey xadka ay la wadaagto Badweynta Baasifik, Badweynta Atlantik iyo Badweynta Hindiya.

Sanadkii 2000 wixii ka dambeeyay bulshada caalamku waxay isku raacday in Badweynta Koonfureed ka bilaabanto (ama lagu daro) dhigta lixdanaad koonfur.