Portal:Cunto/Maqaal Xul Ah

Ka Wikipedia
Loxooxda waxay leedahay indho-badan marka si fiican loo qaso
Laxoox (sidoo kale loo yaqaano Kimis) waa cunto laga sameeyo daqiiq, biyo iyo milix la qasay ka dibna la dubey. Loxooxdu waa raashin ka mid ah canjeerada taasi oo laga cuno deegaanda Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen. Sidoo kale, loxooxda waxaa laga cunaa wadanka Israaiil, halkaasi ooy geeyeen Yuhuuda ka qaxday wadanka Yaman. Loxooxdu waxay la mid tahay canjeerada cuntada Soomaalida, waxay kaga duwan tahay loxooxdu ma lahan khamiir badan sida canjeerada.

Deegaanada Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti, loxooxdu waxay ka mid tahay qureeca dadka ee maalin kasta. Sido kale loxooxda waxaa lagu daraa suugo, subag, shaah, bun iyo saliid macsar. Dhinaca kale, loxooxda waxaa laga isticmaala wadanka Yamanta, halkaasi oo lagu iibiyo wadooyinka dhamaan magaalooyinka wadankaasi.

Maqaalo kale oo la doortay... Sii akhri...