Laxoox

Ka Wikipedia
Sidoo kale fiiri canjeero.
Boga "kimis" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Laxoox
Magac kaleLaxoox, Kimis, Canjeero
NoocaRooti fidsan
Asal ahaanJabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen
Ka koobandaqiiq cad, khamiir, biyo, yeast, milix
Sidoo kale fiiri: Cunto SoomaaliCuntoRaashin  (Qureec, Qado, Casho)


W:es:Laxoox Laxoox (Af Carabi : ar‎, Af Yuhuudi: לחוח) (sidoo kale loo yaqaano Kimis) waa cunto ka mid ah canjeerada taasi oo laga cuno deegaanda Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen.[1][2] Sidoo kale, loxooxda waxaa laga cunaa wadanka Israaiil, halkaasi ooy geeyeen Yuhuuda ka qaxday wadanka Yaman.[3] Loxooxdu waxay la mid tahay canjeerada cuntada Soomaalida, waxay kaga duwan tahay loxooxdu ma lahan khamiir badan sida canjeerada.

Deegaanada Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti, loxooxdu waxay ka mid tahay qureeca dadka ee maalin kasta. Sido kale loxooxda waxaa lagu daraa suugo, subag, shaah, bun iyo saliid macsar. Dhinaca kale, loxooxda waxaa laga isticmaala wadanka Yamanta, halkaasi oo lagu iibiyo wadooyinka dhamaan magaalooyinka wadankaasi.[4]

Diyaarinta Loxooxda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Laxooxda waxaa laga diyaariyaa daqiiq lagu qasay fixiso, khamiir, biyo diiran, yeast iyo milix taasi oo si fiican loo garaaco (tumo) si ay iskudhexgalaan iskudarkaasi, ka dib meel la dhigo mudo saacado ah si ay u khamiirto.[5] Sida ugu badan daqiiqda laga diyaariyo laxooxda waxaa laga sameeyaa garowga.[6]

Laxooxda waxaa lagu dubaa bir wareegsan oo loogu talogalay taasi oo loo yaqaano daawo. Wadanada qaar, gaar ahaan qurbaha waxaa la isticmaala maqle.

Isticmaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, laxooxdu waxay ka mid tahay qureec iyo cashada meelo badan oo dadka Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar xataa ku qadeeyaan laxooxda. Sidoo kale, loxooxda waxaa lagu darsadaa subag, malab ama suugo iyo koob shaah ama bun ah. Laxooxda la cuno wakhtiga qadada waxaa lagu darsadaa suugo ama maraq.[7]


Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo Banaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Little Business Women". Waxaa laga kaydiyay the original 2011-09-28. Soo qaatay 2015-10-10.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia, (Greenwood Press: 2001), p. 113.
  3. "Hatikva market — the other side of Tel Aviv". Waxaa laga kaydiyay the original 2015-04-27. Soo qaatay 2021-08-09.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  4. "Dholas and other straw hats come into season". Waxaa laga kaydiyay the original 2012-03-08. Soo qaatay 2015-10-10.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. Preparing Lahoh
  6. name="Abdullahi"
  7. name="Abdullahi"
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: