Misir

Ka Wikipedia
Lentil
Misir
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiosperms
(darajo la'aan): Eudicots
(darajo la'aan): Rosids
Dirka: Fabales
Bahka: Fabaceae
Bahka hoose: Faboideae
Qabiilka: Vicieae
Duulka: Firi Lens (genus)
Noocyada: L. culinaris
Magaca laba-geesoodka ah
Lens culinaris
Medikus

Misir (Af Ingiriis : Lentil; Af Carabi : ar‎) magaca Saynis yahay "Lens culinaris" waa geed leh midho firiley ah oo la qoys ah bahda digirta.[1]

Miraha misirtu waa kuwo yaryar, wareegsan sida goobada, khafiif ah, qolof ama dahaadh sare oo fudud leh, isla markaana midabo kala duwan leh taasi oo ku xidhan deegaanka, carada, nafaqada geedku helo iyo cimilada. Geedka misirku wuxuu gaadhaa ilaa 40 sentimitir dhererkiisu, midhahiisuna waxay ku dhex jiraan qolof wareegsan.[2]


Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Geedka misirka ka hor intaanu midhaha dhalin

Misirku wuxuu ka mid ahaa cuntada dadku cunaan wakhti aad u dheer, wuxuu xataa ka horeeyay dheriga. Sida lagu ogaaday baadhitaan ay sameeyeen culimo aarkiyoolojiis ah, waxaa geedka misirka lagu beeran jirey deegaanada carada nafaqada leh ee Bariga Dhexe iyo Bariga dhow ee galbeedka qaarada Aasiya wakhti imika laga joogo 9,500 sano ilaa 13,000 sano.[3]

Dhinaca kale, midabka midhaha misirku waa kuwo kala duwan, waxaana ka mid ah huruud, casaan, casuus, oranji, madoow iyo cagaar. Sidoo kale, qarada iyo xajmiga misirku waa kala duwan yahay; waxaa jira qaar aad u yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn.

Soo Saarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Soo saarka Misirka caalam

Geedka misirku wuxuu adkeeysi u leeyahay abaaraha, waxaana laga beeran karaa meel kasta oo caalamka ah. Hay'ada Cuntada Aduunka ee Jimciyada Quruumaha warbixin ay soo saartay sanadkii 2013ka waxay sheegtay in caalamka oo dhani soo saaray 4,975,621 mitir ton oo misir ah. Wadana ugu sareeyay soo saarka iyo beerista misirka waxay ahaayeen isla sanadkaasi 2014ka Kanada, Hindiya iyo Turkiga.[4]

Dhinaca kale, qiyaastii wax ku dhow rubuc misirka caalamka waxaa soo saartey wadanka Hindiya, kaasi oo inta ugu badan lagu isticmaalay isla wadankaasi. Sidoo kale, wadanka Kanad ayaa iyadna noqotey mida koowaad ee ugu dhoofinta badan misirka caalamka.[5] Warbixin tirokoob ah oo dowlada wadanka Kanada soo saartay ayaa lagu xusay in sanadihii 2009 ilaa 2010, wadankaasi soo saaray tiro misir ah oo dhan 1.5 milyan mitir tons.[6]


Wadanada ugu Horeeya Soo Saarka Misirka, 2013
Wadan Mitir Ton
Kanada 1,880,500
Hindiya 1,134,000
Turkiga 417,000
Ustareliya 324,100
Maraykanka 227,658
Aduunka 4,975,621
Ilaha warka: Hay'ada Cuntada Aduunka, Waaxda Wararka[7]

Muuqaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Af Ingiriis : Lentil; Af Carabi : ar‎) magaca Saynis"
  2. "Muuqaalka midhaha Misirka"
  3. Leah A. Zeldes (16 February 2011). "Nuqul Archive". Chicago's Restaurant & Entertainment Guide. Waxaa laga kaydiyay the original 24 May 2015. Soo qaatay 4 August 2011.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  4. "Nuqul Archive". Food and Agricultural Organization of the United Nations, Statistics Division. 2015. Waxaa laga kaydiyay the original 19 October 2016. Soo qaatay 24 March 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. "Nuqul Archive". Pulse Canada. Waxaa laga kaydiyay the original 28 January 2015. Soo qaatay 24 January 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  6. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 25 July 2010. Soo qaatay 19 September 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. "Nuqul Archive". UN Food & Agriculture Organization, Statistics Division. Waxaa laga kaydiyay the original 19 October 2016. Soo qaatay 24 March 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: