Cuwaaf

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Sidoo kale fiiri raashin

Cuwaaf (Af Ingiriis : snack) waa nooc kasta oo cuntada u dhaxaysa sadexda wakhti ee wax la cuno taasi oo inta badan ah cunto fudud. Cuwaaftu waxay noqon karta cunto aad u fudud oo la iskaga reebo gaajada isla markaana lagu sugo wakhtiga cuntada. Sidoo kale waxaa cuwaaf noqon karta cuntooyinka degdega ah ee lagu soo dhaweeyo marti ama loo isticmaalo raaxaysi iyo baashaal.

Deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida waxaa caan ka ah shaaha la cabo galabtii ee loo yaqaano Shaadaliga, kaasi oo laftiisu ka mid ah cuwaafta. Sidoo kale, meelo badan oo Waqooyiga Soomaaliya ka mid ah waxaa caan ku ah cuntada qadada wixii ka soo hadhay in dib loo cuno wakhtiga galabtii ka hor intaanay qoraxdu dhicin taasi oo loo yaqaano cuwaaf.

Wadanada reer galbeedku aad ayay u isticmaalaan cuwaafta, waxaana dhakhtarku dadka in badan ku dhiiri geliyaa in la cuno cuwaafta fudud dhowrkii saacadood hal mar wakhtiga maalinta oo dhan. Waxaa sidoo kale aad wadanada reer galbeedka looga isticmaalaa midhaha khudaarta, buskudka, cabitaanka, cunto fudud iyo jibsiga kuwaasi oo loo dhaxaysiiyo wakhtiyada cuntada muhiimka ah.

In kastoo ay kala duwan tahay nooca iyo xajmiga cuwaaftu guud ahaan waa cunto u dhaxaysa wakhtiyada rasmiga ah ee la raashimiyo. Sidoo kale waa cunto ka fudud cuntooyinka sadexda ah ee la cuno maalintii iyo habeenkii. Waxaanay ka koobnaan kartaa macmacaan sida buskud, xalwad, keeg, rooti, shaah, bun; dhandhanaa sida baagiye, qureebaad, shigni, basbaas, hambeegur iyo wixii la mid ah. Dhakhaatiirtu aad ayay u dhiirigeliyaan cuwaafta, waxayna ku sheegtaa ineey jidhka ka ilaaliso xanuuno ay ka mid tahay macaanka iyo dhiig-karka.

Muuqaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: