Malawax
| Nooca | Rooti fidsan |
|---|---|
| Asal ahaan | Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen |
| Ka kooban | daqiiq cad, khamiir, biyo, yeast, milix |
| Sidoo kale fiiri: Cunto Soomaali • Cunto • Raashin (Qureec, Qado, Casho) | |
Malawax (Af Carabi: ملوح; Af Ingiriis : malawah) waa cunto ka mid ah canjeerada taasi oo laga cuno deegaanda Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen.[1][2] Sidoo kale, malawaxa waxaa laga cunaa wadano ka mid ah Bariga Dhexe, halkaasi ooy geeyeen dad ka qaxay wadano Geeska Afrika ah.[3] Malawaxu wuxuu la mid yahay canjeerada cuntada Soomaalida, waxay kaga duwan tahay malawaxu ma lahan khamiir badan sida canjeerada waxaana lagu daraa saliid, subag, sonkor iyo malab; ama noocyo kale oo xawaash iyo khudaar ah.
Deegaanada Waqooyiga Soomaaliya iyo Jabuuti, malawaxu wuxuu ka mid yahay qureeca dadka ee maalin kasta. Sido kale malawaxa waxaa lagu daraa suugo, subag, shaah, bun iyo saliid macsar. Dhinaca kale, loxooxda waxaa laga isticmaala wadanka Yamanta, halkaasi oo lagu iibiyo wadooyinka dhamaan magaalooyinka wadankaasi.[4]
Diyaarinta Malawaxa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Malawaxa waxaa laga diyaariyaa daqiiq lagu qasay fixiso, khamiir, biyo diiran, yeast iyo milix taasi oo si fiican loo garaaco (tumo) si ay iskudhexgalaan iskudarkaasi, ka dib meel la dhigo mudo saacado ah si ay u khamiirto.[5] Sida ugu badan daqiiqda laga diyaariyo malawaxa waxaa laga sameeyaa garowga.[6]
Malawaxa waxaa lagu dubaa bir wareegsan oo loogu talogalay taasi oo loo yaqaano daawo. Wadanada qaar, gaar ahaan qurbaha waxaa la isticmaala maqle.
Isticmaalka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sida caadiga ah, malawaxu waxay ka mid tahay qureec iyo cashada meelo badan oo dadka Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar xataa ku qadeeyaan laxooxda. Sidoo kale, loxooxda waxaa lagu darsadaa subag, malab ama suugo iyo koob shaah ama bun ah. Laxooxda la cuno wakhtiga qadada waxaa lagu darsadaa suugo ama maraq.[7]
Qoraalo La Xidhiidha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Linkiyo Banaanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ https://archive.is/20110928085026/http://www.yobserver.com/news-varieties/printer-1002499.html. Archived from the original on 2011-09-28. Retrieved 2015-11-29.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia, (Greenwood Press: 2001), p. 113.
- ↑ https://web.archive.org/web/20150427220227/http://food.lizsteinberg.com/2010/01/27/hatikva-market/. Archived from the original on 2015-04-27. Retrieved 2021-08-09.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ https://archive.is/20120308164202/http://www.yobserver.com/news-varieties/10012048.html. Archived from the original on 2012-03-08. Retrieved 2015-11-29.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ Preparing Lahoh
- ↑ name="Abdullahi"
- ↑ name="Abdullahi"
| Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
