Geed Timir

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Timir)
Maqaalkani wuxuu ku saabsan yahay miraha timirta iyo geedka ay ka baxdo.waa mid aad umacaan


Geed Timir
Midhaha timirta
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiosperms
(darajo la'aan): Monocots
(darajo la'aan): Kommelinids
Dirka: Arecales
Bahka: Arecaceae
Duulka: Foenikis
Noocyada: P. dactylifera
Magaca laba-geesoodka ah
Phoenix dactylifera
Karl Linnaeus
Eray la mid ah[1]
  • Palma dactylifera (L.) Mill.
  • Phoenix chevalieri D.Rivera, S.Ríos & Obón
  • Phoenix iberica D.Rivera, S.Ríos & Obón

Timir (Af Ingiriis : date palm; Af Carabi : ar‎) waa miro bisil oo ka mid ah cuntoda kuwaas oo ka baxa geedka timirta.

Miraha timirtu waa kuwo yaryar, wareegsan oo leh midab madoow ah casaan leh. Midhaha timirtu waa kuwo macaan oo ah khudaar bisil.

Geed timir waa geed dhalo miraha timirta, geedkaan waxoo u badanyahay meelaha saxaarada ah ee woqooyiga Afrika iyo galbeedka Aasiya. Geed timirka qassab ma ahan in oo ka baxo meelaha saxaarada ah kaliya, meelaha kale oo u badanyahay waxaa ka mid ah soomaaliya, iyo galbeedka afrika,wadamada carabta,iyo bariga aasiya. geedkaan waxoo dhalaa miraha timirta, waxaana la cunaa bisha ramadaanka markii la affuraayo.

Timirtu waa miro macaan oo la cuno, waxaa laga soo gurtaa geedka timirta dhalo. Timirta waxaa aad loo isticmaalaa soonkii, marka oo la affuraayo. Qofka marka oo soomanyahay, waxoo ku affuri karaa, Timir ama biyo caadi ah.

Hal timir oo kaliya ayaa ka soo bixi kara 100 ilaa 600 rodol oo timir ah sanad wanaagsan. Waxaana laga yaabaa in geedku sii socdo inuu midho dhalo 100 sano.[2]

Waxtarka timirta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Geedka barakaysan ee timirta waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Timirtu waxa ay leedahay faa'iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa'iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

  • Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxaa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano "Pectin"
  • Waxay ka hortagtaa kansarka xiidmaha, waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambaya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.
  • Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada "Fluoride"
  • Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.
  • Waxay daawaysaa Dhiig la'aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2
  • Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A
  • Waxay daawaysaa Appetite la'aanta, sababtane waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
  • Waxay daawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.
  • Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer-ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer-ka.
  • Waxa ku jirta Maadada daawaysa Itaal darada xagga Galmada
  • Waxaa ku jirta Maadada "Poron" oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda
  • Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A
  • Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada riqa; waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1
  • Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushimaha, taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.
  • Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection ka Dubka ama jidhka.
  • Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.
  • Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa Vitamin C.

Geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa'iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.

Timirtu waa cunnada ugu haboon ee lagu furo soonka caafimaad ahaan sababtoo ah waxay u roontahay dheefshiidka, waana cunnada sida tartiibka ah calooshu u shiido, waxaa intaa sii dheer inay dheecannada iyo fitamiinada jirka ku jiro ay isu dheelli tirto markuu qofka muddo gaajaysnaado, waxayna sare u qaadaa appetite-ka qofka iyadoo gaajada si dhakhso ah u yarayso, waxaa intaa sii dheer inay gaaska iyo aashitada caloosha ay ka ilaaliso inay dhaawac gaarsiiso dahaarka caloosha, sidaas awgeed waa in aan ku dadaalnaa in soonka aan ku afurnaa timir anagoo sunanda nabigeena suuban raacayno.[1] Archived Juun 2, 2017 // Wayback Machine

Muuqaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gobor

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]