Canbuulo

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Fuul)
Boga "fuul" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Canbuulo
Canbuulo lagu daray ukun
Magac kaleFūl, fuul
Ka tirsanQuraac, Qado, Casho
Asal ahaanMasar, Soomaaliya
Ka koobandigir waweyn, saliid, xawaash
Kala duwanaanLiin qarboosh, basal, kamsar, toon, basbaas
Sidoo kale fiiri: Cunto SoomaaliCuntoRaashin  (Qureec, Qado, Casho)
Cuntada fuulka waa mid si guud loo isticmaalo.

Canbuulo, Fuul (Af Carabi : ar‎, Af Ingiriis : Ful medames; loogu dhawaaqo: fūl midammis&nbsp, fuːl meˈdæmmes) waa cunto laga diyaariyo digir waweyn, saliid, xawaash, liin qarboosh, basal, kamsar, toon, iyo basbaas. Sidoo kale waxaa marka la karinayo lagu daraa noocyo kale oo cunto ah si dhadhanka loo macaaneeyo. Sidoo kale, cuntadan fuulka waxaa lagu qasaa suugada midaasi oo lagu darsado noocyada kala duwan ee raashinka. Fuulka ama canbuulada waxaa loo diyaariyaa noocyo kala duwan. Deegaano badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto waxaa fuulka lagu kariyaa biyo, milix iyo saliid kaliya; marka ay bislaato waxaa lagu darsadaa subag, saliid macsar, sonkor, malab iyo caano. Intaas waxaa dheer in fuulka loo diyaarin karo qaabka suugada ayadoo la shiilayo.

Guud ahaan cambuulada waxaa laga cunaa meelo badan oo caalamka ah, gaar ahaan Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo meelo kale oo caalamka ah.[1]

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qaar ka mid ah qoraaga caalamka waxay sheegeen in fuulka laga beeran jirey deegaanada Masartii hore iyo nawaaxigeeda wakhti ku beegan qarnigii 5aad C.H.

Sidoo kale, cilmibaadhis arkiyooloji ah waxaa lagu ogaaday in wakhti imika laga joogo 2,600 sano ka hor in cambuuladu ka bixi jirtey deegaanka Nasareeth ee Bariga Dhexe.[2]

Nafaqada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Inkastoo nafaqada cambuuladu ku tiirsan tahay nidaamka loo kariyo iyo waxyaabaha lagu daro, 200 giraam fuul ahi wuxuu leeyahay nafaqadan:[3]

  • Kaloriy: 342
  • Duxda (g): 27
  • Baruurta (g): 4
  • Kolestarool (mg): 0
  • Kaarbonhydrate (g): 20
  • Borotiin (g): 7

Muuqaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo Banaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Gil Marks, Encyclopedia of Jewish Food
  2. Gil Marks, Encyclopedia of Jewish Food
  3. "ful medames recipe and nutrition facts". Waxaa laga kaydiyay the original 2012-04-04. Soo qaatay 2015-10-11.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: