Baasto

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Boga "pasta" halkan ayaan laga toosiyay
Jaadyo kala duwan oo baasto ah
Baastada laga sameeyo qamadiga

Basto (Af-Ingiriis: pasta; Af-Carabi: باستا) waa cunto[1] bisil oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga, taasi oo la aaminsan yahay in lagu isticmaali jirey ila sanadkii 1154.[2] Baastadu waxaa laga sameeyaa midhaha firileyda ah oo la ridqay (burburiyay) ka dib lagu qasay ukun iyo biyo. Sidoo kale, baastadu waa mid dhaadheer, dhuuban, aad u jilicsan marka la kariyo.

Baastada, meelaha qaar looga yaqaano Baasto gaagaab, waa cunto ka mid ah raashinka dadku isticmaalaan maalin kasta, gaar ahaan waxaa baastada la isticmaalaa cashada iyo qadada. Sidoo kale, waxaa jira noocyo badan oo baasto ah, taasi oo leh midabo kala duwan, dhadhan iyo nafaqo kala duwan. Farqiga baastada waxaa keeni kara midhaha iyo waxyaabaha laga sameeyay.


Baasto Soomali[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee baastada. Inta ugu badan waxaa la cunaa baastada wakhtiga qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Jaadyada baastada ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah baasto iskudhax karis iyo baasto iyo suugo.

Jaadyada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Baasto Cusub[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Bastada cusub waa mid ka samaysan midho feresh ah taasi oo lagu diyaariyo xaafadaha ama deegaanada lagu isticmaalayo. Baastada noocan ah waxaa inta ugu badan laga sameeya daqiiq cusub oo lagu xashay ukun iyo xawaash fudud.[3]

Baasto Qalalan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Baastada qalalan waa nooca lagu diyaariyo wershadaha sababtoo ah waxaa mashiino lagu sameeyaa wax badan oo loogu talogalay baayacmushtar iyo ganacsi. Sida badan laguma daro ukun, laakiin waxaa laga yaaba in noocyo ka mid ah lagu daro waxyar oo ukun ah.

Muuqaalka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Qoraalo La Xidhiidha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Linkiyo Banaanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. Ehrlich, Richard (6 May 2009). "Process of Elimination". The Guardian. Retrieved 7 July 2012. 
  2. McClatchey, Caroline (15 June 2011). "How pasta became the world's favourite food". BBC. Retrieved 23 March 2012. 
  3. "Quessenberry"Quessenberry, Sara. "Dried Vs. Fresh Pasta". Real Simple. Retrieved 28 March 2012. 
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: