Jump to content

Baasto

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Pasta)
Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Boga "pasta" halkan ayaan laga toosiyay
Jaadyo kala duwan oo baasto ah
Baastada laga sameeyo qamadiga

Baasto (Af Ingiriis : pasta; Af Carabi : ar‎) waa cunto[1][2][3] bisil oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga, taasi oo la aaminsan yahay in lagu isticmaali jirey ila sanadkii 1154.[4] Baastadu waxaa laga sameeyaa midhaha firileyda ah oo la ridqay (burburiyay) ka dib lagu qasay ukun iyo biyo. Sidoo kale, baastadu waa mid dhaadheer, dhuuban, aad u jilicsan marka la kariyo.

Baastada, meelaha qaar looga yaqaano Baasto gaagaab, waa cunto ka mid ah raashinka dadku isticmaalaan maalin kasta, gaar ahaan waxaa baastada la isticmaalaa cashada iyo qadada. Sidoo kale, waxaa jira noocyo badan oo baasto ah, taasi oo leh midabo kala duwan, dhadhan iyo nafaqo kala duwan. Farqiga baastada waxaa keeni kara midhaha iyo waxyaabaha laga sameeyay.

Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee baastada. Inta ugu badan waxaa la cunaa baastada wakhtiga qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Jaadyada baastada ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah baasto iskudhax karis iyo baasto iyo suugo.

Bastada cusub waa mid ka samaysan midho feresh ah taasi oo lagu diyaariyo xaafadaha ama deegaanada lagu isticmaalayo. Baastada noocan ah waxaa inta ugu badan laga sameeya daqiiq cusub oo lagu xashay ukun iyo xawaash fudud.[5]

Baastada qalalan waa nooca lagu diyaariyo wershadaha sababtoo ah waxaa mashiino lagu sameeyaa wax badan oo loogu talogalay baayacmushtar iyo ganacsi. Sida badan laguma daro ukun, laakiin waxaa laga yaaba in noocyo ka mid ah lagu daro waxyar oo ukun ah.

Qoraalo La Xidhiidha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo Banaanka

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: