Toon

Ka Wikipedia
Toonta cadcad.

Tuun, Toon (Af Carabi : ar‎; Af-Laatiin: Allium sativum; Af-Taliyaani : aglio; Af Ingiriis : garlic; Af Amxaari : ነጭ ሽንኩርት) waa midho ka mid ah khudaarta taas oo ka baxda dhirta oo lagu darsado cuntada.

Khudaarta tuuntu waa midho wareegsan oo leh qolof midab cad iyo mid casuus ah gudaha, waxaanay ka baxaan geedo yaryar oo gaaban.

Tuunta waxa lagu yaqaanaa kuleylkeeda, taas oo lagu darsado cuntada ama sideeda lagu cuno ayadoo qaydhiin ah. Midhaha toontu waxay ka baxdaa carada dhulka dhexdeeda.

Khudaarta maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.

Qoraalo Kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]