Qureebaad

Ka Wikipedia
Qureebaad
Qureebaad la dul saaray macmacaan
Magac kaleQarjamle, Basbu
NoocaCunto fudud
Asal ahaanJabuuti, Soomaaliya, iyo Eritrea
WadankaGeeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans
Ka koobandaqiiq cad, khamiir, biyo, sonkor, milix
Sidoo kale fiiri: Cunto SoomaaliCuntoRaashin  (Qureec, Qado, Casho)

Laxoox (Af Carabi : ar‎, Af Balkan: revani ama ravani, Af Ingiriis : Basbousa) waa cunto fudud oo laga diyaariyo daqiiq cad, khamiir, biyo, sonkor, milix la isku dhex laaqay; taasi oo laga cuno deegaanda Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen. Sidoo kale qureebaadku wuxuu caan ka yahay deegaano ka mid ah Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans[1][2][3]


Diyaarinta Qureebaadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qureebaadka waxaa laga diyaariyaa daqiiq lagu qasay fixiso, khamiir, biyo diiran, yeast iyo milix taasi oo si fiican loo garaaco (tumo) si ay iskudhexgalaan iskudarkaasi, ka dib meel la dhigo mudo saacado ah si ay u khamiirto.[4] Sida ugu badan daqiiqda laga diyaariyo laxooxda waxaa laga sameeyaa garowga.[5]

Laxooxda waxaa lagu dubaa bir wareegsan oo loogu talogalay taasi oo loo yaqaano daawo. Wadanada qaar, gaar ahaan qurbaha waxaa la isticmaala maqle.

Isticmaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, laxooxdu waxay ka mid tahay qureec iyo cashada meelo badan oo dadka Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar xataa ku qadeeyaan laxooxda. Sidoo kale, loxooxda waxaa lagu darsadaa subag, malab ama suugo iyo koob shaah ama bun ah. Laxooxda la cuno wakhtiga qadada waxaa lagu darsadaa suugo ama maraq.[6]


Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo Banaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Little Business Women". Waxaa laga kaydiyay the original 2011-09-28. Soo qaatay 2015-11-29.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia, (Greenwood Press: 2001), p. 113.
  3. "Hatikva market — the other side of Tel Aviv". Waxaa laga kaydiyay the original 2015-04-27. Soo qaatay 2021-08-09.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  4. Preparing Lahoh
  5. name="Abdullahi"
  6. name="Abdullahi"
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: