Daqiiq

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Bur)
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa bog ku saabsan daqiiqda. Boga "bur" halkan ayaa laga soo toosiyay
Daqiiq
Flours.jpg
Burka daqiiqda
Bah budo ridqan (midho la jajabiyey)
Asalka Midho Firiley
Jinsi xubnaha

Daqiiq, Bur (Af-Ingiriis: flour; Af-Carabi: طحين) waa budo la ridqey (jajabiyey) oo ka samaysan midho inta ugu badan firiley ah taasi oo marka la kariyo (ama la dubo) laga dhigto cunto dadku isticmaalaan. Daqiiqda sidoo kale loo yaqaano "bur" waxaa laga diyaariyaa noocyo badan oo cunto ah, sida canjeerada, rootida, malawaxa, sabaayada, buskudka, cusheerka, keega, baagiyaha, canbaaburka iyo noocyo kale oo cuntada ka mid ah.

Inkastoo daqiiqda laga sameeyo dhamaan midhaha firileyda ah, waxaa ugu badan oo ugu caansan qamadiga oo laga isticmaalo meelo badan oo caalamka ah. Wadanka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada waqooyiga, waxaa inta ugu badan daqiiqda sidoo kale loo yaqaano "qoosh" laga diyaariyaa midhaha garowga, galleyda iyo qamadiga oo la iskudhex daray ama labo ka mid ah, kuwaasi oo lagu ridqo makiinado loogu talogalay jajabinta midhahan firileyda ah. Wadanada qurbaha waxa caan ku ah oo aad loo isticmaalaa daqiiqda laga sameeyay qamadiga, taasi oo laga diyaariyo noocyo badan oo rooti, keeg iyo buskud ah.

Guud ahaan, dadweynaha caalamku waxay isticmaalayeen daqiiqda iyo burka tan iyo horaantii ilbaxnimada, waxaana cilmibaadhisyo kala duwan lagu ogaaday in deegaano ka tirsan Hindiya, Bariga Dhexe, iyo Ameerika laga isticmaali jirey farsamada lagu diyaarsado daqiiqda.

Magaca[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Ereyga daqiiq lama yaqaano meesha uu asal ahaan ka soo jeedo, laakiin waxaa aad looga isticmaalaa deegaanda Waqooyiga Soomaaliya, Soomaalida galbeed ee Itoobiya iyo wadanka Jabuuti. Dhinaca kale, koonfurta Soomaaliya waxaa inta ugu badan la isticmaalaa ereyga "bur", oo sidoo kale lagu magacaabo nooc ka mid ah cunto fudud oo laga sameeyo daqiiqda.[1]

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Beer laga goynayo qamadiga

Sida lagu ogaaday cilmibaadhis arkiyooloji ah waxaa la sheegay in daqiiqda markii ugu horeeysay la isticmaalayay wakhti imika laga joogo 6,000 sano taasi oo laga diyaariyay qamadi lagu jajabiyey dhagax-wareegsan.[2]


Muuqaalka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Qoraalo La Xidhiidha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]


Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. Palmatier, Robert Allen (2000). Food: a dictionary of literal and nonliteral terms. Westport, CT: Greenwood. p. 136. ISBN 0-313-31436-5. http://books.google.com/books?id=OqIe3YFwsFkC. 
  2. Archaeo News -Source: Eurasianet.org (2008-12-9); Published 2008-12-14
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: