Waslad

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada. Qoraalo kale fiiri Xaniid
Hilib waslad ah
hilib xaniid

Waslad (Af Ingiriis : steak; Af Carabi : ar‎) waa nooc ka mid ah hilibka xoolaha, gaar ahaan hilibka laga jaro garabka, jeeniga, lugta, dhabarka iyo meelaha leh jiidh saafi ah. Sidoo kale wasladu waa hilibka laga gooyo muruqa xoolaha kaasi oo leh waxyar oo baruur ah, laakiin inta badan jiidh saafi ah. Waslada waxaa laga diyaariyaa hilibka lo'da, geela, adhiga iyo doofaarka. Hilibka kaluunka iyo digaaga iyo shimbiraha laga sameeyn karo waslada.[1]

Hilibka waslada marka la dubo (dab lagu shiilo) waxaa loo yaqaanaa xaniid. Sidoo kale, waslada waxaa laga diyaariyaa maraqa iyo suugada. Si taasi ka duwan, wadanada caalamka meelo badan waxaa waslada loo yaqaana hilib shiilan oo laga ilaaliyay biyaha kaasi oo laga sameeyay noocyo kala duwan oo xoolo ah.[2][3]


Dadka Soomaalida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee waslada. Inta ugu badan waxaa lagu darsadaa cuntooyinka wakhtiga quraaca, qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Noocyada wasladu ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah xaniidka iyo waslada cad. Dadka Soomaalidu waxay waslada ku diyaariyaan hilib, khudaar, milix, saliid, biyo iyo xawaash kuwaasi oo si xirfad leh loo karkariyo ilaa ay gaadho heer nooca loogu talogalay ah.

Noocyo kala duwan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Muuqaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Linkiyo Banaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Carrier, Robert (1981-01-01). 1. Marshall Cavendish. p. 1456.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2019-01-27. Soo qaatay 2015-10-04.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin) Retrieved on 23rd December 2014.
  3. . BBC News http://www.bbc.com/news/magazine-23086541.  Maqan ama ebar |title= (caawin) Retrieved on 23rd December 2014.
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: