Baruur

Ka Wikipedia
Buruur cunto Macaduwan
Silsilada iskudhiska baruurta.
Iskudhiska malakuyuulada duxda.

Baruur (Af Ingiriis : lipid; Af Carabi : ar‎) waa koox iskudhisyo dabiici ah kuwaasi oo u samaysan malakuyuulo ay ka mid yihiin duxd, xaydha, fiitamiinada milma (sida Fiitamiin A, D, E, iyo K) iyo walxo kale oo badan oo si dabiici ah looga helo jidhka dadka, xayawaanka iyo in badan oo dhirta ka mid ah.[1] Sidoo kale, noocyo badan oo baruurta ahi waa iskudhis ka mid sadexda nooc ee nafaqoda jidhka dadka, xayawaanka, dhirta iyo guud ahaan nooluhu u baahan yahay; labada kale waa borotiin iyo karbohydrate.[2]

Duxda oo Saynis ahaan loo yaqaano triglycerides waxay ka kooban tahay iskudhisyo silsilad asiid-baruur ah, alkohol iyo glycerol. Sida caadiga ah duxda waxaa laga helaa saliida, subaga iyo baruurta xoolaha iyo xayawaanka. Sidoo kale waxaa jira noocyo ka mid ah dhirta oo leh dux waloow ay tahay nooc ka duwan tan xoolaha iyo xayawaanka.

Intaas waxaa dheer, duxdu kuma milanto biyaha iyo noocyo kale oo dareereha ka mid ah (sida caanaha).[3]

Muuqaal[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Lipids have applications in the cosmetic and food industries as well as in nanotechnology.
  2. "Nuqul Archive". McKinley Health Center. University of Illinois at Urbana-Champaign. Waxaa laga kaydiyay the original 21 September 2014. Soo qaatay 20 September 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. United Kingdom The Food Labelling Regulations 1996Schedule 7: Nutrition labelling
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: