Portal:Dhul/Qof xul ah/4

Ka Wikipedia
sawir-gacmeed Beershiyaaan ah oo muujinaya Maryama iyo wiilkeeda Nebi Ciise.

Maryam bintu Cimraan (Af Ingiriis : Mary, "Mariam" ; Af Carabi : ar‎; loo qoro: Marīam, loogu dhawaaqo: "Mariyam"; hooyo u ah: ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ; "Nebi Ciise"; ama: يسوع, loogu dhawaaqo "yasuuca") waxay ahayd qof muuminad ah oo dhashay isla markaana hooyo u ahayd nebigii Alle u soo direy reer [banii Israaiil waa Nebi Ciise (c.s). Markey taariikhdu ahayd qiyaastii 20 sano C.H (Dhalashaddii Ciise Horteed) ayaa Maryama ku dhalatey magaalada Baytulaxam ee ku taala dhulka ay Falastiiniyiintu degaan, waxay isla magaaladani ku dhimatey markey taariikhdu ahayd qiyaastii 100 ilaa 120 sano C.D. Dhinaca kale, suurada 19aad ee kitaabka Quraanka waxaa loogu magac-daray Maryama; taasi oo ka waramysa nolosheedii iyo camalkeedii. Intaasi waxaa dheer, Maryama bintu Cimraan waxay ka mid tahay sideeda qof ee loogu magac-daray suurad ka mid ah Boqol toban iyo afar Suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah. Maryama bintu Cimraan waxay ahayd qof wanaagsan oo diinta Alle si fiican u heeysatay isla markaana cabsida Ilaahay dartiis u gashay masaajidka oo hooy u ahaa inta u badan nolosheeda.

Wanaageeda iyo shakhsiyad fiicni darteed, Maryama bintu Cimraan waxay lahayd magacyo iyo naanaysyo badan, kuwaasi waxaa ka mid ah: Hooyadii Ciise, Mucjiso Alle, Tusaalaha Dumarka, Geesiyadii Xaqa, Boqoradii Wanaaga, Saai'ma, Mustafiya, Raaqiyah (Rāki’ah), Saajidah (Sājidah),Qaanitah (Qānitah), Run-sheeg (Siddiqah), Taxiirah (Tāhirah) iyo kuwo kaleba. Dhinaca kale, Maryama bintu Cimraan waxay ahayd hooyo leh mucjiso aad u wayn, sababtoo ah ayadoon u tagin ama la kulmin wax nin ah ayaa waxay uureysatey ka dib na dhashay Sayid Ciise Masiixi, arintaasi oo Alle (s.w) ka dhigay tusaale iyo waxkuqaadasho cajiib badan.