Qabiilka eylo

Ka Wikipedia

Eylo (;) sidoo Kale loo yaqaano: Eylata waa beel ka mid beelweynta [[Rahan weyne| ee dadka Soomaaliya kuwaas oo deegaan ku ah waddanka Soomaaliya, gaar ahaan ' Shabellada Dhaxe, Jubbada Hoose, Jubbada Dhaxe iyo Gobolka Banaadir

Eylo waa dad leh taariikh facweyn, waxaana ka mid ah dadkii soo maray qowmiyadda Eylo Boqor Geed Abaaboow, Feyla Aaroow iyo Dibka Baaboow

Eylo
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya
 Itoobiya
 Kenya
Luqada

Af-Soomaali iyo Af-Maay

Diinta

Islam,

Dadka ay dhalyo wadagaan

[?]

Haddaba EYLO waxey soomaalida kale uga ilbaxsan tahay waa dad ilbax ah oo soomaalida kale u quurin sida: aashuunka biyaha lagu cabo iyaga keliya aa aqiinay sida loo sameeyo halka soomaalida kale ay ka iibsan jireen eylo waxaa mesha ka cad in soomaalida kale xoolaha iyo iyaga ay afka wada saaran jireen waraha balse eylo u sameysay aashuun si xoolaha iyo insaanka biyaha isku si u cabin, dhanka dheriga waxaa meesha kaaga cad in soomaalida inteeda kale cuno aysanba karsin jirin haddey karsan jireenne dhulka ku karsan jireen balse waxee arkeen eylo oo sida boqortooyo u nool oo dherigooda dhulka oolin oo jiko saaran yahay markaasee ku buraarugeen oo bilaabeen inee naga iibsadaan burjiko cid aan anaga ahayn sameyn jirin balse hadda xirfaddaasi dad badan nagu soo ciriiriyeen.

Dhanka xoolaha eylo lo' ee dhaqataa markaa tagto buur Eylo oo ah xaruntii.dhexe ee boqortoyada eylo uu fadhi u ahaa boqortooyadaasine waxaa u dambeeyaya boqor GEEDDI ABAABOW oo koonfurta dhan xukumi jiray boqortooyadaan eylo waxey ka horreysan tii Ajuuraan. In beelaha Raxanweyn ay 9 iyo 8 loo kala saaro Geeddi Abaabow aa ka dambeeyay oo ahaa nin boqor eylo ah, kaasoo 8 beel u sheegay in waraha waraabaan maalin hebel halka 9 beelna ay waraabaan maalin kale taaso ilaa hadda 9 iyo 8 lagu dhaqmo.

Dhanka sagaaragaadka taasi waa xirfad caddeyneysa in eylo tahay dadka dhulka loogu yimaaday maxaa yeelay markaan taariikhda adduunka baran jirnay waxaa lagu sheegaa in adduunka dadkii hore ay ahaayeen HUNTING AND GATHERING oo micnaheedu yahay ugaarsato iyo beeraleey eylo qaarna waa ugaarsataa qaarna webiga jiinkiisa ee degan yihiin oo waa beeraleey.

Deegaanada ay hadda deggan yihiin waa Baay, Degmada Buurhakaba iyo nawaaxigeeda, sida Buur Eylo ooba magaca ka garan kartaa, Bakool, Jubbooyinka, Shabeellaha Hoose laga bilaabo Leego, Daafeet, Bariire, , Buulamareer ilaa Kuntuwaarrey, Shabeellaha Dhexe, Jowhar oo magaceedii hore la dhihi jiray Jowhar Eylo balse Siyaad Barre u beddelay Jowhar Soomaali. ilaa hadda magaca Eylo Jowhar kama tirmin. Waxaa jirto tuulo Jowhar u dhow oo la dhaho Jowhar Eylo, Balcad, Warmaxan, Qalimow. Dhammaan waa Shabeellaha Dhexe oo Eylo degto, ninkii tagaa yaqaan shiikhii wax soo baray Shiikh Muxudiin Cali ee abgaalka ah. Shiikh Ooyaaye, caalimka weyn ee Shabeellaha Dhexe waa Eylo. Hiiraan waxey ka degaan Buulaburde iyo Buuqaqable oo ay maamulka degmada ka tirsan yihiin.

Gobolka banaadir waxey ka degan yhn degmada KAARAAN xaafadda Wajeer iyo Buuka Diikow , Talafeshinka. Madiino waxey ka deggan yihiin Buulo Xuubeey iyo Kaawo Godeey amaa xeryaha qaxooti taasi raxanweyn dhan aan kala siman nahay. Annaga iyo raxanweyn waxa ku kala duban nahay keliya ma arkeysid. Qof eylo ah oo tuugsanaayo xoogiisa uu maalanaa safaaro ha gaado ama shaqo kale ha qabto.

Dhanka siyaasadda waa ku leeyihiin General Liibaan Cali Yarow oo ah guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, xildhibaan aqalka sare senator Fartuun Karaama oo Hirshabeelle kasoo gashay, aqalka hoose xildhibaan Cali Aadan oo KG kasoo galay, maamulka KG 2 xildhibaan iyo wasiir ku xigeen iyo agaasime, Hirshabeelle hal xildhibaan. Marka dadka aan aqoonin hada ha barteen.

==Shaxda Eylo== 1.shunta 2.qareeri 3.tulxa 4.barkaay

Shaxda Eylo[wax ka badal | wax ka badal xogta]