Af-Maay

Ka Wikipedia
Mai-Mai
Af- Mai-Mai
Dhalad u ahSomalia; Bulshooyinka muhiimka ah ee Itoobiya, Kenya, woqooyiga Ameerika, iyo Yemen.
U ah afka hooyo3.9 million in Somalia  (2016)e18
Qoyska luqada
Hab qoraalkaFarta Maay
(far Laatiin)
Xaalada Rasmiga
Ka ah Luqad rasmiSoomaaliya
Koodka luqada
ISO 639-3ymm

Af-Maay ama Af Maay Maay Waa lahjad ka mid ah luuqada afka soomaaliga oo ka mid ah Kushiitik laanta Afro Asiatik . Waxaa badanaa looga hadlaa Soomaaliya iyo meelo ku dhow dhow Itoobiya iyo Kenya . Lahjada afka maay waxee u qorantahay sida tan. (Boggung wikipedia weyba gaar ing eya dhigmiyaalk liki dhiki alif Soomaali, weybuwa meel lang welbow abtugaal iyo dhigmsuubis ka kordhiye koro. Baalakan wikipediyade waxe qaas an ey dhamaan walii af Soomaali ka dhikanyee. Qof kaste aqristee karee wane wal ka bedelee karee dhamaan maqaalyaalke baalakan ka dhikanyee.)

Hadii lagu fasiro af maxatiri waa sida tan, Boggani wikipedia waxa uu gaar u yahay maqaalada ama qoraalada ku qoran afka soomaaliga. Qof walba wuxuu awoodaa inuu ku qoro uuna aqriyo ama uu dib u habeeyo qoraalada ku qoran boggan. Af maaygu waa luuqada labaad ee dalka soomaaliya lagaga hadlo, waxaana looga hadlaa gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo, waxee sii leedahay lahjado fara badan oo looga hadlo gobolada , Shabeellaha Hoose, Bakool, Gedo,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose,Banaadir iyo meelo ka mid ah deegaanada ismaamulka soomaali galbeed ee itoobiya iyo waqooyi bari ee dalka kenya.