Qoondar

Ka Wikipedia
Qoondar
Linum usitatissimum
Flax plant
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
Duulka: Linum
Noocyada: L. usitatissimum
Magaca laba-geesoodka ah
Linum usitatissimum
L.
Eray la mid ah[1]
  • Linum crepitans (Boenn.) Dumort.
  • Linum humile Mill.
  • Linum indehiscens (Neilr.) Vavilov & Elladi

Qoondar Magaca sayniska (Linum usitatissimum)  (Af Ingiriis : Flax,Af Carabi : ar‎) Waa nooc ka mida dhirta gu'leha ah,kana mid ah dhirta saliida laga miiro asalkiisa laga helay inta u dhaxaysa Bariga Xeebaha Bada Cad ilaa Hindiya, oo ah Dhulka kulul waxaa laga isticmaalaa miraha iyo saliida laga miiro mirihiisa,[2][3]

Tilmaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Capsules
Flowers

Geedka Qoondarka loo yaqaan ayaa dhirirkiisu gaaraa hal mitir iyo jirid dhuuban iyo caleemo, wuxuu caan ku ayahay ubax cirdhow ah, miraha midabkooda ayaa ah bunni, waxaa lagu beera wadama u dhxeeya bada cad iyo hindiya

Miraha Qoondarka oo kafee ah
Miraha Qoondarka iyagoo dahabi ah

Noocyada Qoondarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qoondarka wuxuu u kala baxaa laba nooc mid jaallo ah iyo mid guduud dahabi ah, labaduba waa isku faa'ido, waxaad soo gadan kartaa miraha oo noolnool ama iyagoo shiidan, waxaana fiican in la shiido si jirka uga faa'idaysto, waxaadna ku darsan kartaa cunnooyinka kale ee aad cunaysid sida mushaarida, maraqa, caanaha fadhiyo iyo suugada. Waxaad kaloo ku dari kartaa burka inta aadan dubin. Marka qoondarka, isagoo la saloolin ama la karin waa la cuni karaa, laakiin sida ugu habboon waa in la shiido isagoo aan la saloolin, kadibne lagu darsado cunnada aad karin rabtid ama cuni rabtid.

Faaiidooyinka qoodarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qoondarka waxaa ku jiro waxyaabo faa'ida u leh caafimaadka qofka sida dufanka caafimaadka u roon ee loo yaqaano "Omega-3", saliiddaan oo wadnaha u roon, waxaana la qiyaasaa halkii qaaddo oo qoondar ah inay ku jirto 1.8 gram oo "Omega 3" ah. Maadada kale ee faa'idada leh waxaa loo yaqaanaa "Lignans" oo ka kooban hormoonka estrogen iyo sunsaaraha "anti-oxidant", waa dalaga ugu badan ee ku jirto maadadaan markii loo fiiriyo dalagyada kale.

Cilmi Baaris[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Geedkaan waxaa badanaa dunida loo abuurtaa si saliid looga sameeyo, laakiin cunno ahaane waa loo gadaa iyadoo laga sameeyay waxyaabo kala duwan.

Cilmibaaris dhowr ah ayaa lagu sameeyay, waxayna sheegeen inuu alle ku abuuray awood ka hortag kansarka naasaha, qanjirka borostaatada iyo kansarka xiidmaha.

Sidaas awgeed, waxaa haweenka lagula dardaarmaa inay badsadaan cunista qoondarka si halista kansarka naasaha u yaraato khaassatan haddii ay dhaxal u leeyihiin.

Cilmibaarayaal kale ayaa sheegay inuu caafimaad u leeyahay wadnaha, una fiican yahay dadka qaba macaanka, isagoo yareeyo halista in sonkorta ay dhaawac gaaarsiiso xubnaha jirka.

Sidaas ay tahay, waxaa lagula dardaarmaa haweenka uurka leh iyo kuwa nuujiya inaysan cunin qoondarka illaa warbixin dheeraad ah laga helayo. waxaana weli ku socdo cilmibaarisyo dhowr ah.[4]

A flax field in bloom in northwestern North Dakota in the United States.
Tobanka wadan ee ugu soo saarka badan – 2011[5]
Wadanka Wax soo saarka

(metric tons)

Footnote
 Canada 368,300
 China 350,000 *
 Russia 230,000 *
 India 147,000
 United Kingdom 71,000
 United States 70,890
 Ethiopia 65,420
 Kazakhstan 64,000 *
 Ukrain 51,100
 Argentina 32,170
 World 1,602,047 A
No symbol = Official data, * = Unofficial figure, A = Aggregate (may include official, semi-official or estimated data)


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 3 Bisha Saddexaad 2022. Soo qaatay 2 October 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  2. http://www.ars-grin.gov/cgi-bin/npgs/html/taxon.pl?22361. Soo qaatay 2 October 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Allaby, R.; Peterson, G.; Merriwether, D.; Fu, Y.-B. Theoretical and Applied Genetics. 112 (1): 58–65. doi:10.1007/s00122-005-0103-3 http://dx.doi.org/10.1007/s00122-005-0103-3.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-05-04. Soo qaatay 2016-05-21.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2013-04-01. Soo qaatay 2016-05-21.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)