Tawfiiq

Ka Wikipedia
Tawfiiq

Towfiiq

توفيق
Magaalada
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
Dalka Soomaaliya
GobolkaMudug
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Degmada Tawfiiq waa Degmo ka tirsan gobolka Mudug, waaye hoos tagtaa Puntland kuna taal waqooyi bari ee gobolka khaasatan dooxada caanka ah ee Golol waxay degmadani aad ugu wanaagsan tahay xoolaha la dhaqdo sida ariga, idaha iyo geela maadaama ay ku taal dhul cadduun ah waxaa kaloo degmadani alle ku manaystay biyo macaan degmadani waxay aasaasantay 1980 maadkii.

Dhinaca horumarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Inkastoo degmadani jiritaankeedu kooban yahay hadana waxaa run ahaanti aad iyo aad u badan horumarka ay gaarayso marba marka ka dambeeysa iyo koritaankeeda waxaa sanadkii 2011-ka laga hirgaliyay degamada Cabdulahi insaaniya Primary and intermediate school iyadoo waliba la gaarsiiyay adeega isgaarsiinta ee Golis Telecom waxaa sidoo kale la bilaabay dabayaaqadii 2013 dhismaha isbitaalka guud ee degmada Tawfiiq General Hospital oo waliba la dhagax dhigay mashaariic isugu jira ceel biyooddo, huteelo, suuqa weyn ee bacadlaha iyo xarumaha maamul oo ay ka mid yihiin saldhig bilays iyo xarunta dawladda hoose waliba waxaa sii soconaya qorshayaasha lagu hormarinayo degmada ee dhinacyada kala duwan ee adeega bulshada iyo bilicda magaalada sida: Waxbarashada, caafimaadka, korontada, biyaha iwm.

Maamulka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmada tawfiiq waa degmo maamul wanaagsan kana adkaatay nabad galyadeeda oo aan wax amni darro ahi ka jirin iyadoo dalka intiisa badan qalalaaso ka jirtay hadaba dadka nabada jecel ee degmadan waxay aad ugala shaqeeyeen maamulada dariska ah dhimista khatarta burcad badeeda degmadan waxay maamul ahaan hoos timaadaa Puntland

Ma jirto wax tuulo ah hoostago

Goloha wasiirada Puntland ayaa maamul ahaan u aqoonsaday magaalada degmo buuxda sanadkii 2013 ka dib markii ay arkeen inay Tawfiiq buuxisay shuruudihii degmo dhan kasta.