Wikipedia:Nala soo xiriir

Ka Wikipedia

Ku Soo Dhawoow Wikipedia!

Wikipedia Af Soomaaliga waxaa wax ku qora dad iskood-isku-diray (mutawac ama volunteer) ah kuwaasi oo jooga meelo badan oo caalamka ka mid ah. Dadka halkan wax ku qora waxay ka kooban yihiin dhamaan noocyada kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo leh xirfad, aqoon iyo fikir kala duwan. Taasi micnahedu waa in mararka qaar halkan lagu qoro maqaal ama bog khalad ah.

Hadii aad aragto maqaalo iyo qoraal khalad ah, caay ama afxumo ah waxaad samayn kartaa talaabooyinka hoos ku qoran si aad uga qeyb qaadato hagaajinta iyo toosinta maqaalkaas:

  • Talaabada koowaad: hadii aad adigu aqoon u leedahay ama aad saxi karto, fadlan isku day inaad wax ka bedesho khaladkaasi.
  • Talaabada labaad: bog kasta wuxuu leeyahay Wadahadal halkaasi ood ku qori karto faalo, talo iyo tusaale si aad ula wadaagto dhamaan dadka ku xidhan bogaasi.
  • Talaabada sadexaad: hadii adigu waxba ka qaban karin ama aad u baahan tahay caawin, fadlan la xidhiidh Maamulka. Xasuusnoow inaad boga wadahadalka maamulka ku qorto fariin dhamaystiran taasi oo ku jirto boga aad khaladka ku aragtey, hadii aad rabto in lagula soo xidhiidho iyo fariintaada oo kooban. Fadlan saxiix fariintaada.

Hadii aad fahmi weydo wax aad sameeyso isla markaana aad khalad aragto fadlan halkan riix si aad fariin u qorto.

Mar labaad waxaan kaa codsanaynaa inaad si dhexdhexaad ah uga qeyb qaadato horumarka Afkeena Hooyo!


Fiiro Gaar Ah[wax ka badal xogta]

Boggaga kala ah "editing pages" AfSomali "Waxkabedel", Organize and format iyo Embellish your edits oo soo gala {{Template:Caawin}} ma jiraan.

Tiro badan oo gudagaleyaasha Somali Wikipedia aqoon fiican uma laha qaabka waxka bedelka, qorida iyo guud ahaan isticmaalka qalabka shaqada.

Si loo helo dad badan oo xirfad fiican leh, fadlan Boga Caawinaada oo af-Soomaali ku qoran hala sameeyo.

Anigu waan garan waayay meel aan kaga hagaago, laakiin inaan ka qeeyb qaato diyaar ayaan u ahay.

Mahadsanid,

Abshir Dheere Maax Vagone

Ismail Suge (talk) 13:48, 3 Jannaayo 2014 (UTC)[reply]