Ismaaciil (carabi: اسماعيل) (dhashay Maayo 18, 1985) waa nin dhalinyaro ka mid ah Soomaalida ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan wadanka Maraykanka. Waxaan ku dhashay magaalada Borama, Awdal, waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland.
Waxaan ahay mid ka mid ah dhalinta ku barbaartey wadankan ee wax ku baratey isla markaana ku nool maanta. Waxaan aad u jecelahay "Horumarka iyo Nabada Wadanka Soomaaliya", sidoo kale taageeraa Midowga Shanta Soomaaliyeed.
Guud ahaan, waxaan xiiseeyaa akhriska iyo qoritaanka, taasi oo ii suurtogelisay inaan maqaalo badan ku qoro halka tan Soomaali Wikipedia. Sidoo kale, waxaan xiiseeyaa isticmaalka aalada internetka.
Marka aad fiiriso horumarka maanta caalamku gaadhay, waxaa aad loo horumariyey luuqadaha bulshooyinka aduunka, marka laga reebo Luuqada Soomaaliga oo aan haad heysan. Inkastoo aan kali ahay, hadana mar walba waxaan jecelahay oon niyada ku hayaa inaan ka qeybqaato sidii loo kobcin lahaa luuqadeena hooyo oo looga dhigi lahaa mid horumarsan oo la jaanqaadi karta luuqadaha caalamka.
Taasi darteed, waxaan go'aansadey inaan wakhti siiyo horumarinta luuqada hooyo. Mashruucii ugu horeeyay een ka qeyb qaato wuxuu ahaa Google community Somali translation (mashruuc lacag la'aan ku turjumo luuqada Soomaaliga).
Dabcan Somali Wikipedia waa meel maanta liidata marka la barbar dhigo kuwa kale, laakiin waxaan aaminsanahay in "Guurguurasho lagu guryo gaadho".
Anigu shakhsi ahaanteey ayaan xiiseeyaa wax qoritaanka iyo akhriska. Waxaan wax qoraayay ilaa 16 sano, kaba badan kala badh nolosheyda. Sidaas ay tahay wali khabiir ma ahi, mana isku heeysto inaan dadka ka xariifsanahay. Marka aan anigu wax qorayo waxaan jecelahay inaan xaqiiqada ku saleeyo. Sidaasi darteed inta ugu badan waxaan si macquul ah u soo turjumaa bog horay u diyaariyeen dad aqoon u leh.
Wax qorkeygu mararka qaar wuxuu noqon karaa mid aad fahmi weydo, sababta waxaa laga yaaba ineey lahjada tahay, inaan il-duufo amaba aan wax si khaldan u fahmo ama u qoro. Waan soo dhawaynayaa hadii aad i sixi karto ama fikrad iyo talo iga siin karto wax qorkeyga.
Si kastaha ha ahaatee, ciwaanada iyo qoraalada aan ugu xiisaha badanahay waxaa ka mid ah taariikhda, juquraafiga, sayniska, teknoolojiyada, gaadiidka iyo noolaha.
Bogaga aan qoray 90% waa taariikh, juquraafi iyo saynis; waxaanan aaminsahay ineey yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay tahay inaan ka biloowno qoritaanka wikipediahan.
Guud ahaan ujeedadu waa in la horumariyo Somali Wikipedia, marka aynu ka wada qeeyb-qaadano isla markaana isa saxno.
Bogaga aan anigu bilaabo inta ugu badan waxaan gaadhsiiyaa heer-sare, dhexdhexaad, cadaymo, sawiraan iyo maab leh. Sidaas ay tahay waxuun baa ka dhiman, hadii aad buuxin karto waa mid fiican.
Sida aad ka dheregsan tahay, Soomaali Wikipedia waxaa ka socdo howlo badan oo iskugu jira wax qoris, qoraal habayn iyo hagaajin, ilaalada bogaga muhiimka ah, hagaajinta khaladka iyo kobcinta bulshada Soomaali Wikipedia. Sanadihii ugu horeeysay waxaan ku qaatey samaynta bogag cusub, balaadhinta bogaga gumudka ah iyo hagaajinta maqaalada. Si kastaba ha ahaatee, horaantii 2015 ayaan codsadey maamulenimo ku meel gaadh ah si aan u difaaco bogag badan oon qoray iyo kuwo kale oo dayacnaa. Badhtamihii 2016ka waxaan noqdey maamuleha kaliya ee Soomaali ah ee ka howlgala Wikipedia Soomaaliga.
Guud ahaan bogaga iyo maqaalada aan ka qeyb qaatey (kuwo aan sameeyay, wax-ku-daray, balaadhiyay iyo qurxiyay) aad ayay u badan yihiin oo tiradooda aniga lafteydu ma hayo, laakiin waxaan ogahay:
Waxaan ahay nin jecel horumarinta Luuqadeena Hooyo, wixii horumar leh taageera, isla markaana jecel wanaaga iyo bulsho la dhaqanka wacan. Waxaan aad u jecelahay in la helo macluumaad cilmiyeysan oo ku qoran Af-Soomaali. Wixii awoodeyda ah waan ka qeeyb qaadan shaqadaas. Wixii macluumaad ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka.
Maahmaah ayaa tidhaahda "Hadal nina si u odhay nina si u qaadey"; taasi oo macnaheedu yahay in dadku isku si wax u arkin isla markaana aanay lahayn fikrado siman. Sidaasi darteed waxaan kaa codsanayaa hadii aad i dhaliisho, fahmi weydo wax aan sameeyay, aad rabto inaad ila taliso ama wax ii sheegto intaba waxaan ku soo dhaweeynayaa gacmo furan. Anigu intii karaankeeyga ah waxaan ku dadaalayaa inaan dhexdhexaad ahaado isla markaana la shaqeeyo qof kasta. Mar kale, hadii aad qabto su'aal, ama heyso talo iyo tusaale, aad isleedahay wax u sheeg ama ku darso; aad ayaan usoo dhawaynayaa inaan dadka kale wax ka maqlo, fadlan iigu qor boga wadahadalkeyga.
Ku soo dhawoow Boggayga! Waxaan fariintaada kuugu soo jawaabi Boggaada, hadii aad tahay qof aan ciwaan ku lahayn wikipedia, halkan ayaan kuugu soo jawaabi.
Marka aad fariin ii reebeysid fadlan talaabooyinkan raac:
Waa in qoraalkaagu yeeshaa ciwaan sare adigo ku qoraya khaanada eey ku qoran tahay (subject/headline).
Hadii ay fariintaadu ka hadleeso Bog, fadlan ku qor magaca bogga.
Dadka dhamaantiis qof kasta wuxuu u qalmaa sharaf iyo xurmo. Dadka qadari si adiga laguu qadariyo.
Wikipedia Soomaaliga qof ama koox si gaar ah u leh ma jirto; waa bar internet ka dhexeeysa dadka oo dhan isla markaana loogu talogalay ineey ka faa'iideeystaan inta fahmeysa luuqadani.
Qof waxkasta aqoon u leh ma jiro. Hadii aad wax fahmi weydo ama kugu adkaato, fadlan codso caawin.
Isticmaale kasta wuxuu leeyahay bog la dhaho "Bacaadka" kaasi oo loogu tallogalay in qofku ku soo tabobarto isla markaana ku qoro dhamaan qoraalka aan micno iyo faa'iido midna u lahayn bulshada. Fadlan isticmaal boga bacaadkaaga si aad u tijaabiso dhamaan qoraalada aad sameeyneso.
Luuqadeena Af-Soomaaligu weli ma qaangaadhin, sidaasi darteed waxay leedahay gef iyo khaladaad badan oo ku saabsan isticmaalka naxwaha luuqada, marka isku day inaad qorto wax dadka kale fahmi karaan si looga faa'iideeysto.
Markasta xasuusnoow ujeedada Soomaali Wikipedia u furan yahay waa in bulshadu ku kala faa'iideeysato marka adigu ha noqon mid lagu khasaaro!
17:4417:44, 26 Jannaayo 2026Loic Wakanumuné (taariikh | wax ka badal) [1,530 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Loic Wakanumuné | fullname = Loic Yeiwene Wakanumune | birth_date = {{birth date and age|1985|03|27|df=yes}} | birth_place = New Caledonia | height = | position = Daafac | currentclub = | clubnumber = | youthyears1 = | youthclubs1 = | years1 = 2009–2011 | caps1 = | goals1 = | clubs1 = AS Mont-Dore | years2 = 2012–2013 | caps2 = | goals2 = | clubs2 = A...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
17:4117:41, 26 Jannaayo 2026José Paes (taariikh | wax ka badal) [3,564 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography |name = José Paes |image = |full_name = Francisco José Paes<ref name="wf"/> |birth_date = {{birth date|1946|3|26|df=yes}} |birth_place = São Paulo, Brazil |death_date = 1 Agoosto 2025 (da'da 79) |death_place = Conchas, São Paulo, Brazil |height = |position = Daafac |youthyears1 = 1960-yadii |youthclubs1 = Associação Portuguesa d...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
17:3717:37, 26 Jannaayo 2026Moses Effiong (taariikh | wax ka badal) [2,646 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Moses Effiong | image = | full_name = | birth_date = {{Birth date|1959|10|4|df=y}} | birth_place = Xiriirka Nayjeeriya | death_date = {{Death date and age|2025|1|26|1959|10|4|df=y}} | death_place = Maraykanka | height = 1.65 m | position = Goolhaye | years1 = | clubs1 = Sharks F.C. | caps1 = | goals1 = | years2 = | clubs2 = New Nigeria Bank of Benin | caps2 = | goals2 = | years3 =...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
17:2817:28, 26 Jannaayo 2026Nelson Silva Pacheco (taariikh | wax ka badal) [3,842 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Nelson Silva Pacheco | image = Nelson Pacheco.jpg | caption = Silva Pacheco sanadkii 1973 | full_name = Alfonso Nelson Silva Pacheco | birth_date = {{birth date|1944|10|8|df=yes}} | birth_place = Las Piedras, Uruguay | death_date = {{death date and age|2025|1|10|1944|10|8|df=yes}} | death_place = Barranquilla, Kolombiya | position = Weerar | years1 = 1962–1965...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
17:2517:25, 26 Jannaayo 2026Víctor Luna (taariikh | wax ka badal) [2,714 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Víctor Luna | image = | caption = | full_name = Víctor Emilio Luna Gómez<ref name="wf"/> | birth_date = {{birth date|1959|10|27|df=yes}} | birth_place = Medellín, Kolombiya | death_date = {{death date and age|2024|01|28|1959|10|27|df=yes}} | death_place = Medellín, Kolombiya | height = 1.80 m<ref name="wf"/> | position = Daafac | years1 = 1978–1985 | clubs1 = Atlético Nacional | caps1 = | goals1...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
17:1917:19, 26 Jannaayo 2026Carlos Arango (taariikh | wax ka badal) [7,223 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Carlos Arango | fullname = | height = | birth_date = {{birth date|1928|1|31|df=y}} | birth_place = Santa Marta, Kolombiya | death_date = {{Death date and age|df=yes|2014|08|19|1928|01|31}} | death_place = Los Angeles, Maraykanka<ref>{{Cite web |url=http://conmebol.com/en/content/former-colombian-footballer-carlos-arango-dies |title=Former Colombian footballer, Carlos Arango, dies | Conmebol.com |access-date=2014-09-12 |archive-dat...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
17:0017:00, 26 Jannaayo 2026Friedrich Donenfeld (taariikh | wax ka badal) [5,463 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Friedrich Donenfeld | image = Friedrich Donnenfeld (1966).jpg | upright = 1.1 | caption = Donenfeld sanadkii 1966 | full_name = | birth_date = {{birth date|df=yes|1912|1|17}} | birth_place = Vienna, Awstariya-Hungari | death_date = {{death date and age|df=yes|1976|3|20|1912|1|17}} | death_place = Utrecht, Netherlands | position = Weerar | youthyears1 = | youthclubs1 = | years1 = 1927–1930 | clubs1 =...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:4716:47, 26 Jannaayo 2026Li Fubao (taariikh | wax ka badal) [2,151 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Li Fubao 李福宝 | image = | caption = | full_name = | birth_date = {{birth date|1955|12|23|df=yes}} | birth_place = Zhangjiakou, Hebei, Shiinaha | death_date = {{death date and age|2025|6|23|1955|12|23|df=yes}} | death_place = Foshan, Guangdong, Shiinaha | height = | position = Weerar | years1 = 1974–1985| clubs1 = Hebei| caps...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:4316:43, 26 Jannaayo 2026Daniel Tapeta (taariikh | wax ka badal) [1,522 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Daniel Tapeta | image = | fullname = Daniel Tapeta | birth_date = {{birth date and age|1974|10|25|df=y}} | birth_place = Tahiti | height = | position = Goolhaye | currentclub = | clubnumber = | youthyears1 = |youthclubs1 = | years1 = 1997–2011 |clubs1 = AS Manu-Ura |caps1 = |goals1 = | pcupdate = 29 Abriil 2020 | nationalyears1 = 199...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:3216:32, 26 Jannaayo 2026Kiril Ivkov (taariikh | wax ka badal) [4,889 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Kiril Ivkov | image = Kiril Ivkov.jpg | caption = Ivkov sanadkii 1974 | full_name = Kiril Lozanov Ivkov | birth_date = {{birth date|1946|6|21|df=y}} | birth_place = Pernik, Bulgaariya | death_date = {{death date and age|2025|5|24|1946|6|21|df=y}} | death_place = | height = 1.79 m | position = Daafac | years1 = 1962–1965 | clubs1 = Metalurg Pernik | years2 = 1...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:2616:26, 26 Jannaayo 2026Mario Pineida (taariikh | wax ka badal) [4,116 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography | name = Mario Pineida | image = Mario Pineida2015.jpg | caption = Pineida sanadkii 2015 | upright = 0.7 | full_name = Mario Alberto Pineida Martínez | birth_date = {{Birth date|1992|7|6|df=y}} | birth_place = Santo Domingo, Ecuador | death_date = {{Death date and age|2025|12|17|1992|7|6|df=y}} | death_place = Guayaquil, Ecuador | height = 1.70 m | position = Daafaca dambe (kubbadda cagta)|Daafaca da...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
16:0516:05, 26 Jannaayo 2026Alfredo Piedra (taariikh | wax ka badal) [7,362 bayt]Isma4l(wadahadal | ku darsasho)(Bog cusub: {{Infobox football biography |name = Alfredo Piedra |image = |caption = |fullname = Alfredo Piedra Mora |birth_date = {{birth date|1915|08|16}}<ref name="la-nacion">{{cite web|title=¡Adiós, maestro Chato!|url=http://wvw.nacion.com/ln_ee/2003/diciembre/20/deportes2.html|publisher=La Nacion|accessdate=8 April 2012|language=Spanish|date=20 December 2003}}</ref> |birth_place = San José, Costa Rica<ref name="...)Tags: wax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada
duwanaantaariikhOgeyslabe22:15−25~2026-90029-8wadahadal(They were wrong ugaas labe is a sibling to warsangali not a branch of it. Ugaas labe is Farah*ugas Lebe* Harti Gombe Kablalah where warsangali is Mahmud*warsengali* Harti Gombe Kablalah)Tags: wax ka badalka muuqaalka ahwax badalka mobiladaWax badalka webka ee moobiilada